Erling Haaland Aabihiis Iyo Wakiilkiisa Mino Raiola Oo La Kulmay

Wararka ka soo baxaya Spain ayaa sheegay in wakiilka Erling Haaland ee lagu magacaabo Mino Raiola iyo aabihiis Alf-Inge Haaland inay saacado ka hor u duuleen Madrid halkaasoo ay kulan kula yeesheen madaxweynaha Los Blancos Florentino Perez.

Weeraryahanka Borussia Dortmund ayaa la filayaa inuu bartanka ka noqdo dagaal suuqa kala iibsiga ah xagaagan.

Raiola iyo xiddigii hore ee Leeds Alf-Inge Haaland ayaa labaduba saaka ka degay garoonka diyaaradaha Barcelona iyagoo kulan la qaatay madaxweynaha Barcelona Joan Laporta.

Waxay Barcelona ku wargeliyeen dalabkii ay Dortmund u soo dhiibtay shalay oo aheyd in sida kaliya ay ciyaaryahanka ku fasixi karaan xagaagan inay tahay in la bixiyo 150 milyan euro.

Dortmund ayaa u sheegtay shalay wakiilka ciyaaryahanka iyo aabihiis inay doonayaan inay sannad kale sii heystaan Haaland balse ay fasaxayaan haddii miiska loo soo saaro 150 milyan euro xagaagan.

Ka dib kulankii ay la qaateen madaxda Barcelona, waxay labada nin diyaarad qaas ah u qaateen magaalada Madrid halkaasoo ay sidoo kale kulan kula yeesheen madaxweyne Florentino Perez oo ay fariin la mid ah u gudbiyeen.

Haaland waxaa xiiseynaya kooxaha ugu waa weyn Yurub oo dhan oo ay ka mid yihiin Manchester City, Man United, Chelsea, AC Milan iyo Juventus.

Si kastaba, wararka haatan soo baxaya waxay tilmaamayaan in labada kooxood ee reer Spain Real Madrid iyo Barcelona inay noqon doonaan kuwa si rasmi ah ugu tartama saxiixiisa.

Haaland ayaa kaliya ay da’diisa tahay 20 sanno jir isagoo dhaliyay 33 gool 31 kulan uu saftay xilli ciyaareedkan isagoo sidoo kale sameeyay sideed caawin.

Borussia Dortmund ayaa ka soo iibsatay xiddigaan kooxda RB Salzburg bishii Janaayo 2020 iyagoo kula soo wareegay 20 milyan euro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More