England, Croatia Iyo Czech Republic Oo Usoo Baxay Wareegga 16ka Xilli

Xulka Qaranka Croatia ayaa soo raacay waddamada England iyo Czech Republic, waxaanay saddexdooda oo ku wada jiray Group D ay u gudbeen wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.

Hormadan oo xalay iyagoo aan ciyaarin ay kasoo baxeen England iyo Czech Republic ayaa waxa la sugayay natiijada Croatia iyo Scotland oo midkooda badiya ay soo saddexayn lahayd labada sare, waxaana wacdaro dhigay xulka qaranka Croatia oo guul weyn kasoo hooyey kulankii ay martida ugu ahaayeen Scotland, isla markaana kaalinta labaad kaga soo baxay Group-kan.

Group D ayaa nasiib u yeeshay in saddex dal ay kasoo gudbaan kaddib markii ay kooxaha kaalmaha labaad iyo saddexaad ay yeesheen min afar dhibcood, isla markaana ay England koowaad cidhiidhsatay, toddoba dhibcoodna ka heshay saddexdii kulan ee ay ciyaartay.

Kulanka xiisaha badan lahaa ee aadka saamaynta ugu lahaa hormadan ayaa ahaa Croatia iyo Scotland, waxaana 3-1 ku badiyey xulka Croatia oo kaalinta labaad kala baxay Czech Republic oo hadda noqonaysa kooxda kaalinta saddexaad kusoo gudubta.

Daqiiqaddii 17aad ayey Croatia u dabbaal-dageen goolkooda koowaad waxaana kubbad uu soo dhiibay Ivan Perisic goolka dhex-dhigay Nikola Vlasic, hase yeeshee intii aan loo bixin waqtiga nasashada ayay Scotland keentay gool ay ku barbarraysay natiijada ciyaarta oo uu u saxeexay Callum McGregor, waxaana lagu kala nastay 1-1.

Qaybtii labaad ayay Croatia si adag u shaqeeyeen, waxaana khadka dhexe khibrad iyo xeelad farsamo ku haystay Luka Modric oo marba qaab u laadayay kubadda, isla markaana jidhkiisa uu hadba gees u liicin karo kubadda kusoo reebayay marka ay ciyaartoydiisu lumiyaan.

Daqiiqaddii 62aad ayuu Luka Modric dhaliyey gool qurux badan oo uu ka toogtay bannaanka, waxaanay ciyaartu noqotay 2-1, laakiin intaas kuma joogsanin ee Ivan Perisic ayaa dhaliyey gool saddexaad oo Croatia u xaqiijiyey in ay kaalinta labaad kaga dhamaystaan Group D.

Dhinaca kale, xulka qaranka England ayaa guul 1-0 ka gaadhay Czech Republic, waxaanu goolkaasi ahaa mid uu qaybtii hore u dhaliyey Raheem Sterling.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Wembley ee magaalada London ayay Ingiriisku inta badan daadihinayeen ciyaarta ayay waqti dambe dhaliyeen gool labaad hase yeeshee OFFSIDE ayuu noqday, waana laga diiday.

Sidee ayay u kala horreeyaan saddexda dal ee kasoo gudbay Groupka D

1. England – 7 dhibcood

2. Croatia – 4 dhibcood

3. Czech Republic – 4 Dhibcood

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More