Eden Hazard Waa Xiddiga Ugu Caajiska Badan Ee Igu
Xiddiga Real Madrid Eden Hazard ayaa lagu tilmaamay xiddiga ugu xun tababarka iyo xiddigii ugu caajiska badnaa abid sida uu sheegay John Obi Mikel.
Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Chelsea ayaa aaminsan in Hazard uu la mid noqon karay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo balse caajis uu ka reebay xiddigihii la midka ahaa.
John Obi Mikel iyo Eden Hazard ayaa muddo shan xilli ciyaareed ah ku soo wada dheelay Chelsea iyagoo isla qaaday koobab badan.
Eden Hazard ayaa leh tayada uu ku dhaafi karo daafac kasta laakiin John Obi Mikel ayaa aaminsan inuu sidaan ka sii fiicnaan lahaa haddii uu caajiska iska deyn lahaa.
Halyeeyga reer Nigeria ayaa sheegay in xiddiga Real Madrid inuu caajis ku ahaa tababarka islamarkaana uu yahay xiddigii ugu xumaa ee uu ku arko tababarka.
Isagoo u hadlayay warbaahinta The Athletic, Obi Mikel ayaa yiri:
“Marka aan tababarka qaadaneynay, wuxuu ahaa mid iska taagan oo sugaya inta aan ka dhameyneyno. Wuxuu ahaa ciyaaryahanka ugu caajiska badan, laakiin Axadii wuxuu soo bandhigayay ciyaartiisa ugu fiican. Wuxuu ahaa mid cajiib ah.
“Waxaan mar walba sheegaa in Hazard uu ka mid yahay xiddigaha ugu farsamada fiican abid. Wax walba wuu heystaa: awood, farsamo iyo xirfad. Wuxuu ka danbeeyay kaliya Messi iyo Cristiano Ronaldo laakiin kaliya waa marka uu rabay.
“Wuxuu mararka qaar igu dhihi jiray ‘haa, waxaan doonayaa inaan u fiicnaado sida ugu badan ee aan awoodi karo. Uma fiicnaan karo sida Messi sababtoo ah wuxuu ka yimid duni kale laakiin waxaan ku dhawaan karaa ama ka fiicnaan karaa Cristiano.’ Ereyadaas ayaa afkiisa ka soo bixi jiray laakiin ma aheyn mid doonayay inuu shaqeeyo. Tababarka si fiican uma sameyn jirin. Wuxuu ahaa ciyaaryahankii ugu tababarka xumaa ee aan abid ka garab ciyaaray.”