DIGNIIN! Iska Ilaali Carruurta Zinedine Zidane! Sababtii

Real Madrid ayaa la sheegay inay u iibisay laacibka mustabqalka weyn leh ee Sergio Reguilon oo Tottenham tegay xagaagii sabab la xidhiidha wiilka uu dhalay tababare Zinedine Zidane ee Luca Zidane oo ay isku dhaceen.

Difaacan bidix ayaa Tottenham ay ku iibsatay £30 milyan oo Gini, waxaana uu door muhiim ah ka qaadanayaa safka tababare Jose Mourinho.

Laacibkan ayaa kusoo laabtay Real Madrid kaddib markii uu soo dhamaystay sannad amaah ahaa oo uu kusoo qaatay Sevilla oo uu kula soo guuleystay Europa League, laakiin ma saldhigin Los Blancos waxaana la isku sii dhaafiyey Tottenham oo si rasmi ah looga iibiyey.

Reguilon ayaa la filayay inuu joogi doono Santiago Bernabeu maadaama uu hoos u dhac ku yimid Marcelo oo kulamada uu ciyaarana uu ku mutaysto dhalleecayn, taas oo keentay inuu Ferland Mendy ahaado laacibka kaliya ee uu Zidane ku kalsoon yahay ee difaaca bidix waqtigan jooga.

Sida uu qoray wargeyska El Confidencial, Reguilon ayay Real Madrid go’aan ku gaadhay in aanay kooxda kusii haynin ee ay iska iibiso, waxaanay sababtu ahayd inuu khilaaf ka dhexeeyey isaga iyo wiilka Zidane ee Luca.

Reguilon oo muddo kooban uu Zidane tababare ugu soo noqday kooxda heerka labaad ee Real Madrid B ee loo yaqaano Castilla, ayaa waxa kale oo waqtigaas ay halkaas ka wada ciyaarayeen Luca, laakiin laacibkan ayay Real Madrid go’aansatay inay amaah ugu dirto kooxda Logrones, halka uu Zidane yimid kooxda koowaad oo uu tababare ku-xigeen uga noqday Carlo Ancelotti.

Mar kale ayay Real Madrid ku dirtay amaah Sergio Reguilon xili ciyaareedkii hore oo uu Sevilla lasoo qaatay, waxaana markii uu soo laabtay si rasmi ah looga iibiyey Tottenham oo uu u saxeexay heshiis soconaya illaa sannadka 2025, hase yeeshee waxay Los Blancos ku dartay heshiiskan inay dib ula saxeexan karaan laacibkan iyagoo bixinaya lacag dhan £41 milyan oo Gini.

Reguilon ayaa u muuqda mid saldhigay Tottenham, waxaana toddoba ciyaarood oo uu u saftay uu caawiye uga noqday saddex gool.

Dhinaca kale, ninka daraaddii Real Madird ay usoo eriday ee Luca Zidane ayaa bishii hore waxa  uu u wareegay naadiga Rayo Vallecano ee heerka labaad kaddib sannad uu amaah ugu maqnaa Racing Santander oo uu 33 kulan u ciyaaray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More