Dhaawac 13 kulan
Weeraryahanka Liverpool Diogo Jota ayaa ku biiray liiska dhaawacyada kooxda waxaana lagu soo waramayaa inuu maqnaan doono muddo labo bilood ah ka dib dhaawac jilibka ah oo soo gaaray kulankii Arbacadii ee Midtjylland.
24 jirkaan reer Portugal, oo Liverpool uga soo dhaqaaqay kooxda Wolves aduun dhan 41 milyan oo ginni xagaagii, ayaa dhaliyay sagaal gool 17 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa cusub, waxaana dhaawiciisa uu ruxay Jurgen Klopp ka hor jadwalka adag. waqti aan sidaa usii fogeyn, xilli tiro ciyaartoy ah lawaayay.
Jurgen Klopp ayaa diiday inuu meesha ka saaro suurtagalnimada ah in Diogo Jota uu seego kulanka Fulham, madaama uu umuuqdo inuu dhaawaca yareenayo uuna beeninayo in Jota uu maqnaan doono muddo labo bilood ah
Recard ayaa shaaca ka qaaday in Diogo Jota uu garoomada ka maqnaan doono muddo laba bilood ah, taas oo hadii ay run noqoto ay arki karto Liverpool oo dib u soo celinaysa saddexda xidig ee joogtada ah Sadio Mane, Mohamed Salah iyo Roberto Firmino in koox kastaa ay saadaalin karto weerarka iyadoo Jurgen Klopp.
Dhaawaca Diogo Jota ayaa xaalada ku sii xumayn doona Liverpool oo ay horay uga maqnaayeen xiddigaha Virgil van Dijk iyo Joe Gomez inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Thiago Alcantara, Xherdan Shaqiri iyo James Milner ayaan wali soo laaban maadama xiddiga reer Spain uu garoomada ka maqnaa tan iyo bishii October. Laakiin soo laabashada dhaawac muddo dheer ah oo jilibka ah Alex Oxlade-Chamberlain iyo Alisson Becker ayaa soo laabtay.
Haddii ay soo baxdo in Diogo Jota uu garoomada ka maqnaan doono muddo dhan laba bilood, wuxuu seegi doonaa ilaa 13 ciyaarood oo muhiim ah, oo ay ku jiraan safarka Tottenham ee Liverpool.
Kulamadaan kuma jiraan Champions League oo Liverpool qeyb ka tahay, laakiin waxay ku kooban yihiin 12 Premier League iyo FA Cup haddii ay u soo baxaanna waxay ciyaari doonaan ciyaaro kale.
Waa kuwan 13ka kulan ee uu seegi doono Diogo Jota:
Liverpool Fulham vs Liverpool (Diseembar 13) Premier League
Liverpool vs Tottenham (Diseembar 16) Premier League
Crystal Palace vs Liverpool (Diseembar 19) Premier League
Liverpool vs West Brom (Diseembar 27) Premier League
Newcastle vs Liverpool (Diseembar 30) Premier League
Southampton vs Liverpool (Janaayo 2) Premier League
Aston Villa vs Liverpool (Janaayo 8) FA Cup
Liverpool vs Burnley (Janaayo 13) Premier League
Liverpool vs Manchester United (Janaayo 16) Premier League
Tottenham vs Liverpool (Janaayo 27) Premier League
West Ham vs Liverpool (Janaayo 30) Premier League
Liverpool vs Brighton (Febraayo 3) Premier League
Liverpool vs Manchester City (Febraayo 6) Premier League