Denmark Oo Xasuuq U Geysatay Wales, Una Gudubtay Wareegga Siddeedda

Xulka qaranka Denmark ayaa iska xaadiriyey wareegga siddeedda tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, iyagoo jidka kusii jiidhay Wales oo ay ku karbaasheen 4-0.

Denmark oo si dhib badan ugu soo gudbay wareegga 16ka kaddib wadne xanuunkii kusoo booday Christian Eriksen ee sababta u noqday labadoodii guul-darro ee bilowgii tartanka ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee tartanka Euro ee sannadkan iska xaadiriya wareegga siddeedda.

Laba gool oo uu u dhaliyey Kasper Dolberg iyo labada kale oo ay ku dareen Joakim Maehle iyo Martin Braithwate ayay Denmark kusoo gudubtay, halka Wales ay ahaayeen daawadeyaal difaac xun oo iyagoo murugaysan ka hadhay tartanka.

Daqiiqaddii 27aad ayay Denmark qaadeen tallaabada ugu horreysa ee guushooda, markaas oo kubbad uu soo dhigay Mikkel Damsgaard uu shabaqa ku hubsaday Dolberg oo ciyaartan lagu soo bilaabay kaddib markii uu kaydka ku jiray kulankii hore.

Bilowga qaybta labaad ayuu Dolberg rajo la’aan ka dhigay Wales, isagoo ka faa’iidaystay qalad difaac oo uu sameeyey Neco Williams, waxaanu ciyaarta ka dhigay 2-0.

Intaas wixii ka dambeeyey, Wales ayaa u muuqatay kuwo niyad ahaan burburay, waxaana la arkayay Joe Allen, Aaron Ramsey, Bale iyo James oo tamar la’aan kalyaha haysta.

Dhamaadka ciyaarta oo ay laba daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan yihiin ayuu Joakim Maehle hoggaanka usii dheereeyey xulkiisa, balse intaas kaddib waxa 10 ciyaartoy noqday xulka qaranka Wales oo kaadh cas lagaga saaray Harry Wilson oo beddel kusoo galay qaybtii dambe.

Martin Braithwaite ayaa waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray gool kusoo afjaray dhoola-tuska xulkiisu samaynayay, waxaanu ciyaarta ka dhigay 4-0.

Xulka qaranka Denmark ayaa niyad wanaagsan kusoo galay garoonka iyagoo shidaalka ka helay Christian Eriksen oo ku booqday garoonka tababarka, dhiirigelinna soo siiyey.

Denmark ayaa waxay wareegga siddeedda la ciyaari doontaa Netherlands iyo Czech Republic midkooda soo badiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More