DEG-DEG: Taageereyaasha Oo Loo Fasaxay Finalka Carabao Cup Ee Man City
Taageereyaasha kubadda cagta Ingiriiska ayaa ugud ambayn kusoo laabanaya garoomada bishan aynu ku jirno ee April, waxaana loo fasaxay in kulanka finalka Carabao Cup ee Manchester City iyo Tottenham ay Wembley Stadiium iska soo xaadiriyaan.
- Advertisement -
Ciyaarta xiisaha badan ee finalka ee ay iska hor imanayaan Jose Mourinho iyo Pep Guardiola oo kala hoggaaminaya Tottenham iyo Manchester City ayaa waxa garoonka ku wehelin doona illaa 8,000 oo taageereyaal ah oo dhiirigelin siin doona ciyaartoyda labada kooxood.
Garoonka Wembley oo ciyaartan martigelinaya ayaa loo qorsheeyey qaab ay taageereyaasha garoonka imanayaa ku kala fogaadaan, waxaana ku dhowaad 90ka kun ee ee qof ee uu garoonku qaado ay kuraastoodu noqonayaan kuwo madhan oo kaliya 8,000 qof ay dhex fadhiyaan.
Rick Parry oo ah guddoomiyaha EFL ayaa shaaciyey in tallaabo mumiim ah hore loo qaaday, isla markaana ay ciyaartani noqon doonto mid ay qurxiyaan taageereyaal oo aanay ciyaartoyda labada kooxood isku kaliyeysan doonin.
Ingiriiska oo dhowaan shaaciyey in taageereyaashu ay soo noqonayaan, ayaa waxa la sheegay in jamaahiirta garoomada imanaya baadhitaano la xidhiidha Korona Fayras lagu samayn doono ka hor inta aanay garoonka soo gelin.
Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa dhowaan shaaciyey in ciyaarta semi-finalka FA Cup ee Leicester City iyo Southampton ay garoonka iman doonaan illaa 4,000 taageereyaal ah, halka finalka oo la qaban doono May 15 loo fasaxay illaa 21,000 qof.
Taageereyaasha garoomada imanaya ayaa lagu xidhayaa in ay qaateen tallaalka Fayraska iyo in ay la yimaaddaan caddayn ah in aanay qabain Fayraska.