DEG-DEG: Laba Ka Mid Ah Xiddigaha Chelsea Oo Ku Dagaallamay Garoonka

Tababare Thomas Tuchel ayaa tababarkii maanta ka joojiyey difaaca reer Germany ee Antonio Rudiger kaddib markii uu garoonka dhexdiisa kula dagaallamay goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii shalay ay West Brom ku burburisay 5-2.

- Advertisement -

Chelsea ayaa guul-darro xanuun badan la kulantay shalay, waxaana soo afjarmay 14 ciyarood oo xidhiidh ahaa oo aanu wax guul-darro ah la kulmin tababare Thomas Tuchel, waxaana markan si xun u karbaashtay West Brom oo ka faa’iidaysatay kaadh cas oo uu waqti hore qaatayy Thiago Silva iyo qaladaad ay sameeyeen Jorginho iyo Marco Alonso.

Kaddib markii ay ciyaartu soo dhamaatay, tababaraha reer Germany ayaa u sheegay ciyaartoydiisa in ay is-dejiyaan, halka Kurt Zouma uu isaguna ku dhiirigeliyey saaxiibbadiisa in ay jawaab xooggan ka bixiyaan bixiyaan oo ay kulamada xiga isku muujiyaan.

Laakiin difaaca reer Germany ee Antonio Rudiger ayaa Axaddii maanta isagoo kacsan yimid tababarka, waxaanay isku dhaceen goolhaye Kepa, taas oo keentay in kaadh cas loo taago tababarka dhexdeeda oo laga dhex saaro ciyaartoyda.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in labada ciyaartoy isku xanaaqeen iyagoo tababarka samaynaya, arrintuna ku timid markii uu Rudiger taako/jalaafo u dhigay goolhaye Kepa oo isaguna ka cadhooday taas.

Goolhayaha ayaa isagoo cadhaysan kusoo kacay Rudiger, waxaana halkaas ka bilowday hadallo taagtaagan oo abuuray in ay gacanta isku qaadaan.

Thomas Tuchel ayaa qaladka saaray Rudiger, waxaanay taasi ka cadhaysiisay difaaca reer Germany oo rumaysnaa in laga gar-daran yahay, waxaanu sii waday dagaalka iyo hadallo taag-taagan oo uu tababaraha ku durayo.

Tuchel ayaa markaas kaddib kaadh cas u taagay Rudiger, kuna amray inuu ka baxo garoonka tababarka ee Cobham, halka uu Kepa sii watay carbiska.

Markii uu soo dhamaaday tababarku ayuu Rudiger u yimid tababarihiisa oo uu ka raalligeliyey ficilka uu sameeyey, waxaanay is gacan qaadeen Kepa, sidaasna waxa ku dhamaatay xiisaddii ka dhalatay garoonka tababarka dhexdiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More