DEADLINE!! Barcelona Oo Maanta Ay Ugu Buuxday Waqtigii Kama

Barcelona ayay Khamiistii maanta ugu buuxday waqtigii kama dambaysa ee loo qabtay inay mushahar dhimis ku samayso ciyaarteeda, isla markaana kharashka ka baxaya si weyn hoos loogu dhigo, halka dakhligana la kordhinayo.

Sida uu qoray wargeyska Esport3 ee kasoo baxa gobolka Catalonia ee waddanka ee waddanka Spain, wada-xaajoodkii ugu dambeeyey ee u socday ciyaartoyda iyo maamulka kooxda ayaa fashilmay oo lagu kala kacay.

Warku wuxuu intaa ku daray in hadda ay kooxdu isku diyaarinayso xaalad degdeg ah oo ay kaga baaqsan karto inay ku dhawaaqdo inay musalaftay, isla markaana ay toddobaad kale ku kordhisay waqtigii kama dambaysta ahaa ee ciyaartoyda ay kula heshiin lahayd.

Usbuucan kale oo aan isagana rajo badan laga qabin ayaa waxay Barcelona u baahan tahay in 30 boqolkiiba mushaharka ciyaartoygeeda ay hoos u dhigto, iyadoo ka dhaadhicinaysa xiddigaheeda oo miisanaaniyaddeeda 80% ay iyaga mushahar ahaan ugu baxdo ay sameeyaan.

Qaar ka mid ah ciyaartoyda ayaa hore loo sheegay inay ogolaadeen inay mushahar dhimis dhimis sameeyaan, halka Lionel Messi oo ah kan lacagta ugu badan qaata uu wali ku adkaysanayo in kooxdu ay hore u khiyaamaysay oo aanu sannadkiisa ugu dambeeya dib ugu noqon doonin heshiiskiisa.

Barcelona ayaa dhawaan xaqiijisay heshiis kordhin ay sameeyeen Gerard Pique oo illaa 2024 sii joogaya kooxda, Marc Andre Stegen oo aan wali saxeexin laakiin la filayo in illaa 2025ka uu ogolaaday, Clement Lenglet iyo Frenkie de Jong oo iyaguna illaa 2026 saxeexay.

Heshiisyada ciyaaryahannadan ayaa la fahamsan yahay in lagu daray qodob dhigaya in si ku-meelgaadh ah mushaharkooda hoos loogu dhigo illaa 30 boqolkiiba inta ay kooxdu xal u helayso mushkiladda dhaqaale, balse xagga dambe lacagtooda looga kordhin doono.

Si kastaba, Barcelona ayaa toddobaadka kale ee ay qabsatay oo ku eg Khamiista toddobaadka dambe laga sugayaa inay mushahar dhimis shaaciso ama ay ku dhawaaqdo inay musalaftay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More