Dani Carvajal Oo Aabe Noqday Saacado Ka Hor Ciyaarta

Xiddiga Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa aabbo noqday saacado ka hor ciyaarta muhiimka ah ee ay kooxdiisa Real Madrid kusoo dhoweynayso Borussia Monchengladbach.

Difaacan midig oo kasoo laabtay dhaawac ayaa ka hor inta aanu isku diyaarinin garoonka waxa uu cusbitaalka kula qaatay gacalisadiisa Daphne Canizarez oo u dhashay wiil loo bixiyey Martin, kaas oo ay sawirkiisa soo dhigeen baraha bulshada.

Carvajal iyo Daphne Canizarez ayaa sawir la galay canugga yar ee u dhashay, kaddibna la wadaagay asxaabtooda baraha bulshada ee malaayiinta ah, si ay farxadda ula qaybsadaan, canuggoodana loogula soo dhoweeyo adduunyada.

Martin ayaa aabbihii Dani Carvajal siinaya kalsooni iyo niyad weyn oo uu ku waajaho kulanka Borussia Monchengladbach oo uga dhigan kooxdiisa Real Madrid guul ama geeri, sababtoo ah, waxay u baahan yihiin inay guul ka keenaan si ay ugu gudbaan wareegga 16ka tartanka Champions League.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in Carvajal uu ku dedaali doono inuu guul kusoo dhoweeyo canuggiisa, taas oo ay waliba u dheer tahay inuu wax walba u samayn doono sidii uu u dhalin lahaa gool, kaas oo haddii ay u suurtogasho uu samayn doono dabbaal-deg cusub oo uu ku muujin doono inuu ilmo u dhashay.

Haddii laga badiyo, Real Madrid ayaa sida Manchester United oo kale ka dheeli doonta tartanka Europa League xili ciyaareedka dambe, balse haddii ay badiso waxay heli doontaa fursad ay sannadkii 25aad oo xidhiidh ah iskaga xaadiriso wareegga 16ka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More