DAAWO: Wixii Uu Sameeyey Gareth Bale Kaddib Guul-darradii Waddankiisa

Gareth Bale ayaa dareenkiisa xakamayn kari waayey kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii guul-darrada weyni kasoo gaadhay waddankiisa Wales ee Denmark ay karbaashtay 4-0 ayna sidaas kaga hadheen tartanka qaramada Yurub.

Mustaqbalka Gareth ee dhinaca xulka iyo kooxdaba ayay calaamad su’aal saaran tahay, waxaanay doodaha qaarkood sheegayaan in ay caawa u ahayd markii ugu dambaysay ee uu calaamadda kabtannimada u xudho Wales.

Iyadoo guul-darro xanuun badan oo ay kaga hadheen tartanka Euro oo maraya wareegga 16ka loosoo xambaariyey, ayaa Bale uu ku qasbanaaday inuu hor yimaaddo saxaafadda, taas oo ciyaartoyda lagu waajibiyo inay la hadlaan warbaahinta.

Gareth Bale oo ahaa kabtanka Wales ayay u ahayd kulankiisii 96aad ee uu waddankiisa u ciyaaro, laakiin waxay u ahayd habeen bahdil uu ka baajin kari waayey, iyadoo afar gool ay ka dhaliyeen Kasper Dolberg, Joakim Maehle iyo Martin Braithwaite.

Denmark ayaa si dhamaystiran ciyaarta u maamulaysay, goolasha ay dhaliyeenna waxa qaarkood ay garab kaga heleen difaaca Wales ee aadka u liitay.

Bale ayaa waraysigii ciyaarta kaddib waxa uu ku qiray inay si xun uga hadheen tartanka, isagoo yidhi: “Ma aha sidii aanu doonaynay in ciyaartu ahaato, aragtidayada si fiican ayaanu ku bilaabanay kaddibna ciyaartu way isbeddeshay.

“Waxa aanu isku daynay in qaybtii dambe aanu si fiican u ciyaarno balse qalad aanu samaynay ayaa la nagaga dhaliyey, kaas ayaana na dilay.

“Qaabka aanu ku dhamaysanay waa mid niyad-jab ah, laakiin wiilashu way dawakhsanaayeen oo cadhaysnaayeen si la fahmi karayo.”

Intaas kaddib ayuu wariyuhu weydiiyey Gareth Bale, haddii ay ahayd ciyaartii ugu dambaysay ee uu xidho shaadhka xulka qarankiisa, waxaase uu la kulmay jawaab aanu filaynin.

Gareth Bale ayaa halkii laga sugayay inuu jawaab bixiyo, waxa uu iskaga dhaqaaqay goobta xilli wariyuhuba aanu dhamaysanin su’aashiisa.

Halkan ka daawo muuqaalka

G’WAN GARETH! pic.twitter.com/3oUZhJvKWS

— Rich Arrowsmith (@RichArrowsmith) June 26, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More