DAAWO: Pepe Iyo Ronaldo Oo Xalay Goolhaye Patricio U Sheegay Halka Uu
Daafaca dhexe ee xulka Portugal ee Keplor Pepe ayaa la arkay isaga oo ku qaylinaya goolhayaha xulkiisa ee Rui Patricio kaddib markii uu iska diiday tilmaan uu siiyay markii uu wajahayay Karim Benzema oo rigoore ku laagayay.
Weeraryahanka French-ka ah oo mudo dheer Real Madrid kala soo tirsanaa Pepe iyo Cristiano Ronaldo ayaa rigooraha lagu abaalmariyay qaab xoogan garabka bidix ee goolka uga dhaliyay.
Laakiin kahor inta uusan rigooraha laakiin Benzema, Pepe ayaa la arkayay isaga oo u sheegaya Patricio inuu isku tuuro oo uu raaco garabka bidix oo ahayd halka uu Karim dhigay darbadiisa.
Pepe ayaan kali ku ahayn talooyinka la siinayay goolhayaha kooxda Wolverhampton balse waxa sidoo kale la arkayay Cristiano Ronaldo oo la hadlayay kahor inta uusan Benzema wajahin.
Sidaas oo ay tahay hadda 33 sano jirkaas ayaa ku adkaystay inuu ka dhago adaygo talooyinka xiddigaha ay Portugal kasoo wada jeedaan isaga oo jihada qaldan isu tuuray.
Rigooraha Benzema ayaa ahaa mid kamida saddex rigoore oo laga dhigay kulankii xalay dhex maray Les Bleus iyo Selecao iyadoo Ronaldo uu labada kale ka dhaliyay shabaqa goolhaye Hugo Lloris.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka
Anyone else clock Pepe telling Rui Patricio which why to dive for the pen?
Fair to say he wasn’t best pleased..#POR #FRA pic.twitter.com/4kR330yp7B
— Scott Richards (@ScottRichardss) June 23, 2021