DAAWO: Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Wixii Dhex-maray Sadio Mane Oo Iska

Sadio Mane ayaa iska diiday in uu salaamo tababare Jurgen Klopp oo gacanta usoo taagay markii ay dhamaatay ciyaartii ay xalay ku garaaceen Manchester Untied oo ay Outdated Trafford  kaga badiyeen 4-2,

Xiddiga reer Senegal ayaa kaydka la geliyey qaybtii hore, waxaana uu soo galay waqti dambe iyadoo kooxdiisuna gaadhay guul muhiim u ahayd oo ay ugu dhowaadeen Chelsea oo kaalinta afraad ku jirta.

Reds ayaa  u baahnayd in ay saddexda dhibcood ku hesho Outdated Trafford waxaanay afar dhibcood ka dambaysaa Chelsea balse Reds waxay haysataa hal kulan oo kale oo baaqi ah oo haddii ay badiso ay kaliya hal dhibic u jirsan doonto Blues oo afraad fadhida, halka Leicester Metropolis oo kaalinta saddexaad ku jirtaana ay saddex dhibcood u dhaxayn doonaan.

Kaddib markii ay ciyaartani soo dhamaatay, tababare Klopp oo faraxsan ayaa garoonka soo galay, waxaanu ka hor tegay ciyaartoyda labada kooxood oo uu salaan ku bilaabay.

Luke Shaw ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee uu salaamay, waxaana markaas kusoo dhowaa Mane oo uu isagana gacanta u taagay, laakiin laacibka reer Senegal ayaa iska diiday, isla markaana maro gacanta ugu jirtay dhulka ku tuuray si cadho leh.

Tababare Klopp ayay arrintani layaab ku noqotay, waxaanu in cabbaar ah sii eegayay Sadio Mane oo sii socda, ka hor intii aanu sii wadanin salaanta ciyaartoyda  kale ee  labada kooxood.

Jamaahiirta Liverpool ayaa arrintan ka cadhooday, waxaanay ‘bilaa ixtiraam’ ku tilmaameen Sadio Mane oo ay baraha bulshada ku jarjareen kaddib ciyaarta.

Taageereyaasha ayaa isku raacay in Mane uu ka cadhaysnaa in waqti dambe garoonka lasoo geliyey, xilli uu Mohamed Salah bandhig fiican sameeyey oo uu goolna dhaliyey, halka Firmino iyo Diogo Jota ay iyagana u ahayd habeen wanaagsan.

Jurgen Klopp ayaa ciyaarta kaddib ka hadlay waxa uu sameeyey Sadio Mane, waxaana uu sheegay in aanay wax dhibaato ah ahayn cadhada Sadio Mane.

Isagoo telefishanka Sky Sports activities la hadlayay ayuu Klopp yidhi: “Wax walba waa caadi, wax dhibaato ahina ma jirto. Aniga ayaa shalay waqti dambe garoonka tababarka ku gaadhay go’aan ah in aan kusoo bilaabo Diogo Jota.

“Caadiyan waan sharrixi jiray {waan u sharrixi jiray ciyaartoyda aan fadhiisinayo} laakiin waqti uma helin. Wax walba means fiican yihiin.”

Halkan ka daawo muuqaalkii dhacdada

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More