Daafac Arsenal Tijaabada Caafimaadka U Maraya, Barca Oo Man City

Manchester City ayaa qorshaynaysa inay Raheem Sterling kala hadasho wax ku saabsan mustaqbalkiisa, 26 sano jirkaas ayay laba sano ka hadheen heshiiskiisa Etihad Stadium. (Mail)

- Advertisement -

Kaddib markii la isku raacay saxeexa Jadon Sancho oo ay Borussia Dortmund ka keenayaan, Ole Gunnar Solskjaer ayaa wali Man United ka doonaya Pau Torres oo Villarreal ka tirsan, Declan Rice oo West Ham United ah iyo Harry Kane oo Tottenham ah. (Guardian)

Sancho ayaa la siin doonaa No.7-aad ee Manchester United oo uu hadda Edinson Cavani kooxdaas u qaato. (Metro)

Manchester United ayaa sidoo kale xiisaynaysa saxeexa 26 sano jirka khadka dhexe ee Bayern Munich ee Leon Goretzka kaas oo heshiiskiisu 2022 dhacayo. (Bild – in German)

Liverpool iyo United ayay macquul tahay inay awoodi waayaan bixinta lacagta Kingsley Coman oo ay Bayern Munich 77 Milyan oo pound ku doonayso iibkiisa. (Bild)

Agaasimaha cusub ee kooxda Tottenham ee Fabio Paratici ayaa loo sheegay inay tahay inuu 51 Milyan oo pound ka bixiyo saxeexa Milan Skriniar oo Inter Milan ka tirsan. (Express)

Paris St-Germain da’yarkeeda Kylian Mbappe ayaa u sheegay kooxda inuusan wax heshiis kordhin ah u samayn doonin kooxda.(Mail)

Dhinaca kale madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa kala wareegay agaasime Leonardo masuuliyada wadahadalada la doonayo in heshiis cusub lagaga saxeexo Kylian Mbappe.(L’Equipe – in French)

Chelsea mulkiilaheeda Roman Abramovich ayaa ku kalsoon in kooxdiisu ay suuqa xagaagan dhammaystiri doonto saxeexa 20 sano jirka Borussia Dortmund ee Erling Haaland. (Express)

Barcelona ayaa si xidhiidh ah taleefan ugula xidhiidhay Man City si ay uga iibiso Sergi Roberto oo 29 sano jir ah, heshiiska xiddigaas ee kooxda ayaa xagaaga dambe ee 2022 dhacaya. (Mundo – in Spanish)

Nuno Tavares oo dhinaca Benfica heshiis 7 Milyan oo pound ah ugaga soo biiraya Arsenal ayaa la filayaa inuu dhawaan kooxdaas tijaabada caafimaadka u maro. (Goal)

Leicester ayaa AC Milan tartan kagala kulmaysa heshiiska ay ku doonayso garabka weerar ee kooxda Sassuolo ee Domenico Berardi oo Euro wacdarro ugu dhigaya xulka Talyaaniga. (Corriere dello Sport – in Italian)

RB Leipzig ayaa u ogolaan doonta khadkeeda dhexe ee Marcel Sabitzer inuu qaab bilaash ah kooxda kaga tago xagaagan, 27 sano jirkaas ayay xiisaynayaan Arsenal, Roma iyo AC Milan. (Bild – in German)

Rangers kabtankeeda daafaca midig ee James Tavernier ayay doonayaan Man United, Arsenal, Brighton iyo Norwich, 29 sano jirkaas ayaa heshiis ilaa 2024 ah bishii April u saxeexay kooxda tababare Steven Gerrard. (90min)

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More