Cristiano Ronaldo Oo Xalay Sii Dheeraystay Rikoodhkiisa Gool

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa xalay sii dheeraystay rikoodhkiisa goolasha, isagoo shabaqa taabsiiyey goolkiisii labaad ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan.

Ronaldo ayaa dhaliyey goolka labaad ee Juventus kulankii ay 3-0 ku garaacday Dynamo Kiev, iyadoo goolka furitaanka uu saxeexay Federico Chiesa iyo midka saddexaad oo uu waqti dambe raaciyey Alvaro Morata.

Goolka uu Ronaldo dhaliyey ayaa ugu fadhiyey taariikh weyn, waxaanu u noqday midkii 750aad ee uu dhaliyey intii uu ciyaaraha ku jiray, iyadoo uu qarka u saaran yahay inuu dhaafo rikoodhkii goolasha halyeyga Brazil ee Pele oo laba gool oo kali ahi ay ka xigaan. Waxa kale oo uu goolkani noqday midkii 75aad ee uu u dhaliyo Juventus oo uu xili ciyaareedkiisii saddexaad ku qaadanayo.

35 jirkan oo xili ciyaareedkan dhaliyey 10 gool oo dhamaan tartamada ah ayaa uu goolkiisani ahaa kii labaad ee Champions League waxaanu goolka hore ka dhaliyey Ferencvaros, waxaanu hadda kusii siqayaa inuu ku biiro xiddigaha boqolka gool shabaqa u dhaliyey kooxdaas.

Cristiano Ronaldo ayaa muddadii uu garoomada ku jiray waxay u ahaayeen kuwo uu sannad walba tiriyo goolasha uu darayo kuwii hore ugu diiwaangashanaa.

Xulka qaranka Portugal oo uu ciyaartiisii ugu horreysay u saftay 2003 ayuu noqday laacibka ugu goolasha badan taariikhda dalkaas isagoo u dhaliyey 102 gool.

Manchester United ayaa heerka naadiyada uu kasoo bilaabay goolasha badan iyo inuu shabaqa la saaxiibo, waxaanu u dhaliyey 118 gool ka hor intii aanu Real Madrid uga wareegin sannadkii 2009.

Intii uu joogay waddanka Spain waxa uu dhaliyey 450 gool, waxaanu ka dhigay rikoodh u gaar ah oo aanay cidina kula wadaagin goolasha Real Madrid, isagoo 127 gool ka hormaray Raul oo hore u ahaan jiray ciyaartoyga ugu goolasha badan Los Blancos.

Ronaldo waxa uu ka mid yahay afar ciyaartoy oo waqtigan jooga oo dhaliyey wax ka badan 500 gool, waxaana soo raaca Lionel Messi, Zlatan Ibrahimovic iyo Robert Lewandowski.

Laakiin Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa wadaaga rikoodh ay kaga duwan yihiin labada kale, waxaanay labadoodu dhaliyeen in ka badan 700 gool.

Goolka Champions League ee xalay uu dhaliyey Cristiano Ronaldo, waxay u ahayd markii koowaad ee uu gool ka dhaliyo Dynamo Kiev intii ka dambaysay November 2007 oo uu isla kooxdan ka dhaliyey goolka. Waxa laga joogaa 13 sannadood iyo 25 maalmood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More