CODDAYN: Jamaahiirta Actual Madrid Oo Tababare Lama Filaan Ah Ugu

Taageerayaasha kooxda Actual Madrid ee akhrista shabakadda MARCA ayay shabakaddaasi ka qaaday coddayn ay ku dooranayaan tababaraha xiga ee kooxdooda xilli ay saddex macalin kala dooransiiyeen.

- Advertisement -

Kaddib ku dhawaad 150,000 oo qof oo coddayntaas ka qayb qaatay ayuu cod aqlabiyad ah gacanta sarre ku helay tababaraha Actual Madrid B ahna halyeeyga kooxdaas ee Raul Gonzalez oo helay cod 57% ah.

Booska labaad ayuu galay macalinka ka tagaya xulka Germany kaddib Euros ee Joachim Low isaga oo helay cod dhan 17% taas oo muujinaysa in qudhiisu uu shacbiyad ku dhex leeyahay taageerayaasha kooxda caasimada Spain.

Codka ugu badan ee saddexaad ayay taageerayaashu ku doorteen xulashada ahayd “Tababare Kale” oo aan ahayn inta meesha ku qoran iyagoo 16% ay qabaan in macalin inta meesha ku xusan aan ahayn kooxda la keeno.

Codka afraad ugu dambeeya ayuu helay tababaraha ree Talyaani ee Massimiliano Allegri kaas oo si layaab leh kaliya 10% u helay walow uu yahay tababaraha ugu cad-cad inuu qabsado shaqada kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha shaqada ka bedelaya Zidane ayaan si rasmi ah lavatory shaacin doonin dhammaadka xilli ciyaareedka kahor balse Raul Gonzalez iyo Allegri ayaa ah kuwa inta ugu badan la hadal hayo.

Raul ayaa awoodiisa tababarenimo ku muujiyay akaademiga kooxda isaga oo dhawaan sheegay inuu ku farxi doono haddii lagu wareejiyo shaqada tababarenimo ee kooxda koowaad.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More