Claudio Ranieri Oo Saadaaliyey Kulanka Finalka FA Cup Ee Kooxihiisii

Tababaraha Talyaaniga ah ee Claudio Ranieri  ayaa saadaaliyey kulanka finalka FA Cup ee mar dhow ay labadiisii kooxood ee hore ee Chelsea iyo Leicester Metropolis ku ballansan yihiin.

Claudio Ranieri oo hadda ah tababaraha kooxda Talyaaniga ah ee Sampdoria ayaa Leicester Metropolis u qaaday horyaalka Premier League sannadkii 2016 iyagoo si mucjiso ah intay uga soo baxeen laba sano ka hor heerka labaad haddana ugu guuleystay horyaalka, iyagoo dhibco badan ku hoggaaminaya.

Waxa kale oo uu soo layliyey Chelsea sannadihii u dhexeeyey 2000 illaa 2004, iyadoo ugu dambayntiina lagu beddelay Jose Mourinho markii uu kooxda la wareegay Roman Abramovich oo dib u dhis ballaadhan ku sameeyey, waqti guuleed oo cajiib ahna u bilaabay.

Claudio Ranieri ayaa ahaa tababarihii hoiryaalka Premier League keenay xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante oo ah mucjisada khadka dhexe ee Chelsea iyo Leicester Metropolis ba guulaha horyaalka Premier League ku hoggaamiyey.

Ranieri ayaa isagoo ka hadlayay telefishanka BT Sports activities, waxa  la weydiiyey in labada kooxood uu u kala qaybsan yahay, ayna ku adag tahay in uu kala doorto, waxaana uu ku jawaabay. “Haa, tani waa run. Waan u qaybsanahay labada kooxood.

“Chelsea ayaa ahayd kooxdayydii koowaad ee England, Leicester na waxay ahayd koox aanan garanayn wax aan ku tilmaamo. Mar walba waxay ahaan doontaa Leicester. Waan u qabsanahay, waanan ku faraxsanahay midkooda guuleysta galabta. Waxa kale oo aan la murugoon doonaa kooxda guul-darraysata.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More