Ciqaabta Suurtogalka Ah Ee Premier League Soo Rogayo, Haddii Dhibco La

Kulankii Manchester United iyo Liverpool ee Axaddii ee dib lavatory dhigay kaddib mudaharaadka taageereyaal tiro badan oo jabsaday albaabada garoonka Outdated Trafford, ayaa waxa hadda laga fikirayaa xilliga suurtogalka ah ee la ciyaari doono.

Jamaahiirtan oo qasab ku galay garoonka Outdated Trafford, ayaa waxa kale oo ay ciyaartoyda u diideen in ay kasoo baxaan Hotelka Lowry Lodge ee ay ku jireen, iyagoo xidhay waddooyinka garoonka soo gala, taasina waxay keentay in ciyaarta la baajiyo.

Ciyaaryahanadda iyo tababareyaasha Manchester United ayaa Lodge ka joogay illaa waqti dambe oo xalay ah, ugu dambayntiina waxay u baxeen guryahooda maadaama garoonku xidhan yahay.

Kulankaas ayaa waxa hadda la go’aaminayaa waqti kale oo la ciyaaro iyadoo jadwalkuna cidhiidhi yahay, taas oo walaac ku ah labada kooxoodba.

Muxuu Premier League ka yidhi?

Kaddib markii ay taageereyaashu jabsadeen albaabada Outdated Trafford oo ay xoog ku jiidheen ciidamada ilaalinayay, waxa qasab noqotay in ciyaarta la baajiyo.

Go’aankan waxa wada qaatay ciidamada booliska ee u maare waayey joojinta mudaharaadeyaasha, labada kooxood, Premier League iyo masuuliyiinta dawladda. Amaanka iyo badqabka qof walba oo Outdated Trafford ku sugnaa ayaa la sheegay in uu ka mudan yahay in ciyaartu qabsoonto.

Premier League waxa uu sheegay in uu fahamsan yahay, ixtraamna u hayo dareenka taageereyaasha, laakiin ay cambaaraynayaan dhamaan falalka qalalaase, dhaawacyada ay geysteen iyo in ay jabiyeen sharciga xakamaynta xanuunka koofid.

Waxa uu Premier League intaa ku daray in ay go’aamin doonaan waqtiga kulankaas baaqday la ciyaari doono.

Goorma ayaa la ciyaari doonaa?

Premier League waxa uu xalay ku gaabsaday in kaliya dib laga go’aamlin doono waqtiga, laakiin usbuucan suurtogal maaha.

Manchester United ayaa waxay Khamiista la ciyaari doontaa AS Monaco lugta labaad ee semi-finalka Europa League oo ay ugu tegayso Talyaaniga.

Bilowga toddobaadka dambe ayay sidoo kale labada kooxood la kala ciyaari doonaan Leicester Metropolis iyo Fulham, halkaasna suurtogal kama aha, waxaana meesha taalla in xilli ciyaareedka lasoo gabogabayn doono Might 23.

Waqtiga ugu macquulsan ee la hadal hayo ayaa waxa uu yahay dhamaadka toddobaadka dambe.

Miyaa dhibco laga jarayaa Manchester United?

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegaysa in Manchester United lagu ciqaabayo ficilka ay taageereyaasheedu sameeyeen, laakiin lama filayo in ciqaabtu noqon doonto in dhibco laga jaro, sababtoo ah waa tallaabo aad xad-dhaaf ku ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More