CIQAAB: Liverpool, Chelsea, Man United, Arsenal, City Iyo Chelsea Oo

Lixda kooxood ee waaweyn ee horyaalka waddanka Ingiriiska  ee Premier League ayaa lagu soo rogayaa ciqaab iyo ganaaxyo kaddib markii ay qayb ka noqdeen tartanka fashilmay ee European Super League.

- Advertisement -

Kooxaha waaweyn ee Ingiriiska ayaa qas ka abuuray horyaalka Premier League  iyo guud ahaan qaaradda Yurub, iyagoo Super League la samaystay lix kooxood oo kale oo ah kuwa ugu waaweyn Yurub, taas oo abuurtay mudaharaadyo waqti ay xayiraadaha Korona Fayras jiraan, sidoo kalena buuq uu hadheeyey kubadda cagta.

Manchester City, Arsenal, Chelsea, Liverpool, Manchester United iyo Tottenham ayaa waajahaya ganaaxyo dusha looga tuurayo oo keeni doonta in ay lumiyaan boosaska ay kaga jiraan horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, sidoo kalena ay qaarkood kaga hadhi doonaan tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Lixdan kooxood ayaa waxa mid walba laga jari doonaa 12 dhibcood, waxaana qaarkood hoos ugu degi doonaan khadka cas oo ay agtiisa istaagi doonaan, taas oo halis gelin doonta in ay dib ugu laabtaan heerka labaad ee Championship, waxaana halista ugu weyn daaqaysa Arsenal.

Sida uu sheegay Chris Sutton, maamulka Premier League ayay tahay in uu ka fadhiisto oo uu ka arrinsado ganaaxyo ay ku ridaan kooxahan lixda ah ee sare ku xusan, si looga abaal-mariyo qaska ay gelliyeen ciyaaraha iyo toddobaadka degganaansho la’aanta ciyaareed ah ee uu galay horyaalka Premier League.

Laakiin Satton waxa kale oo uu tibaaxayy in mulkiileyaasha bilyaneerada ah ee iska leh kooxahan ay iyagana tahay in ay dhadhamiyaan ciqaabta oo laga fikiro sidii ganaaxyo loogu ridi lahaa, inkasta oo dhibco laga jaro kooxahooda ay ku waayi karaan lacago badan.

Halkee ayay geli doonaan kooxaha lixda ah ee waaweyn haddii laga jaro min 12 dhibcood

Manchester City – Waxay hadda leedahay 77 dhibcood, haddii laga jaro 12 dhibcoodna waxay sii ahaan doontaa horyaalka iyadoo yeelan doonta 65 dhibcood.Manchester United – Waxay leedahay 66 dhibcood, haddii laga jaro 12, waxay u degi doontaa kaalinta 3aad iyadoo yeelanaysa 54 dhibcood, waxaana kasoo sare mari doona Leicester City oo 59 dhibcood haysata iyo West Ham United.Chelsea oo afraad ku jirta, waxay hadda haysataa 55 dhibcood, haddii laga jaro 12 waxay yeelan doontaa 43 dhibcood iyadoo u degaysa kaalinta 8aad.Tottenham iyo Liverpool oo lixaad iyo toddobaad ku kala jira, haystana min 53 dhibcood waxay yeelan doonaan min 41 dhibcood, iyagoo u degi doona 9aad iyo 10aad.Arsenal oo 46 dhibcood haysata, kuna jirta kaalinta 9aad ayaa yeelan doonta 34 dhibcood, waxaanay u degi doontaa kaalinta 16aad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More