Chelsea Oo Xasuuq 6-1 Ah Geysatay Kulankeedii Ugu Horreeyey Ee

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xasuuq ku bilaabatay kulamada saaxiibtinimo ee ay iskugu diyaarinayso xilli ciyaareedka dambe, waxaanay maanta burburisay kooxda yar ee Peterborough United oo ay dhoola-tus ku samaysay.

Chelsea ayaa garoonkeeda tababarka ee Cobham waxay kula ciyaartay Peterborough United kulan ay ugu soo bilowdeen xiddigo ay ka mid ahaayeen Christian Pulisic, Tammny Abraham iyo Caullum Hudson-Odoi oo usbuucii ugu dambeeyeyba joogay tababarka, xilli ay dersin kale oo ciyaartooyo ahi ku maqan yihiin.

Thomas Tuchel ayaa ciyaartoydiisa u kala qaybiyey laba kooxood oo marba koox soo gashay, waxaana kala duwanaa dhamaan ciyaartoyda qaybtii hore dheelayay iyo kuwii soo galay qaybta labaad.

Christian Pulisic ayaa u furay gool-dhalinta Chelsea waxaanu saxeexay gool rikoodhe ahaa, qaybtii hore, waxaana sidoo kale shabaqa soo taabtay Tammy Abraham, halka uu Hakim Ziyech ku daray saddexlay.

Qaybt labaad aya ahayd mid ay Chelsea bandhig cajiib ah samaysay, iyadoo ay jiibta isla heleen Ruben Loftus-Cheek, Armando Broja, Conor Gallagher iyo Hakim Ziyech oo ahaa laacibka garoonka shitay.

28 jirkan reer Moroco ayaa saxeexay saddex gool oo qurux badan, isagoo ku bilaabay kubbad uu dhinaca kasoo jabiyey Baba Rahman oo uu shabaqa ku leexiyey ka hor intii aanu baas xarrago lahaa oo ka yimid Broja aanu si kusii niyad-jabinin Peterborough United oo marka horeba kala-daadatay.

Chelsea ayaa saddex kulan oo kale oo saaxiibtinimo ciyaari doonta toddobaadyada soo socda, waxaana ugu horreynaysa Bournemouth, halka ay Arsenal iyo Tottenham iyaguna ugu xigi doonaan.

Tababare Thomas Tuchel ayaa ciyaartiisa ugu horreysa ee Premier League ku furan doona Crystal Palace oo ay afar toddobaad kaddib kulmi doonaan, waxaanay inta ka horreysa si aad ah iskugu diyaarin doonaan xilli ciyaareed cidhiidhi ah oo noqon doona midkii ugu horrreeyey ee uu Tuchel kula bilowdo Blues oo uu xilli ciyaareedkii hore waqti dambe u yimid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More