Chelsea Oo Laba Weeraryahan Diraysa Midna Keenaysa, Xiddig Arsenal Ah

Manchester United ayaa wali doonaysa inay garab midig la saxeexato suuqa xagaaga sanadkan, xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa wali bar-tilmaameedka koowaad u ah. (90 Min)

Aabaha ahna wakiilka Lionel Messi ee Jorge Messi ayaa madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta kulan kala yeeshay arrimaha mustaqbalka Messi oo heshiiskiisu xagaaga dhacayo. (TV3, through Marca)

Chelsea ayaa xagaaga dhagaysan doonta dalabaadka 40-ka Milyan ee pound gaadhsiisan weeraryahan Tammy Abraham laga soo gudbiyo. (Telegraph – subscription required)

Blues ayaa dhinaca kale diyaarinaya dalab 90 Milyan oo pound ah oo ay kooxda dib ugu soo celinayaan weeraryahan Romelu Lukaku oo Inter Milan wacdarro ku dhigaya. (Solar)

Leicester Metropolis tababaraheega Brendan Rodgers oo lala xidhiidhinayay shaqada Tottenham ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa. (Star)

Everton ayaa xiisaynaysa daafaca kooxda Juventus iyo xulka Turkey-ga ee Merih Demiral. (Calciomercato – in Italian)

Arsenal ayaa diyaar u ah inay iibiso daafaceeda midig ee Hector Bellerin iyaga oo bedelkiisa u doonaya Max Aarons oo Norwich Metropolis ka tirsan. (90 min)

Daafaca ree England ee Fikayo Tomori ayaa la kulmay agaasimaha ciyaaraha AC Milan ee Paolo Maldini xilli ay Milan doonayso inay heshiiskiisa amaahda ah mid joogto ah ka dhigto. (Sky Sport – in Italian)

Weeraryahanka ree France e Olivier Giroud oo 34 sano jir ah ayaan la filayn inuu kordhiyo heshiiska uu Chelsea kula joogo. (Purpose)

Arsenal ayaa isha ku haysa inay u dhaqaaqdo khadka dhexe ee Borussia Dortmund ee Julian Brandt oo ay bedel uga dhigi karaan Martin Odegaard haddiiba ay Actual Madrid dib ugu wacdo. (Bild, through Mail)

22 sano jirka daafaca dhexe ee Sevilla ee Joules Kounde oo hore loola xidhiidhinayay kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa xiiso ka helaya Actual Madrid. (AS – in Spanish)

Dani Ceballos ayaa sheegay inay adkaan doonto inuu kordhiyo heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo Arsenal isla markaana uu jecel yahay horyaalka La Liga in ka badan Premier League. (Purpose)

Wakiilka xiddiga ree France ee Tiemoue Bakayoko ayaa sheegay inuusan hubin haddii ciyaaryahankiisu uu sii joogi doono Napoli xilli uu amaah kaga maqan yahay dhinaca kooxda Chelsea. (CalcioNapoli24, through Soccer Italia)

Bruno Fernandes ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu maamulo kooxdiisa Manchester United marka uu kubadda cagta ka fadhiisto. (ESPN)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More