Chelsea Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartey Sheffield

Kooxda Chelsea ayaa guul ka gaadhay dhigeeda Sheffield United kulan ahaa wareega siddeeed dhammaadka tartanka FA Cup iyagoo sidaas kaga xaadiray wareega afarta kana mid ah kooxaha tigidhkooda u goostay kulamada Wembley Stadium.

- Advertisement -

Chelsea ayaa guushan goolasha ay ku gaadhay ka kala heshay kabtanka Blades ee Olivier Norwood oo gool si qaldan iskaga dhaliyay iyo Hakim Ziyech oo bedel ku yimid isla markaana daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulanka goolka labaad saxeexay.

Shaxdii Labada Kooxood Ee Kulankan

Sheffield United

Faah-Faahinta Ciyaarta

Daqiiqadii 10-aad ee kulankan ayay timid fursadii ugu horreysay ee halis ahayd,, Phil Jagielka ayaa kubad gees ka tuur ahayd meel dhaw madaxa kala helay balse isku daygiisa ayuu si sahlan ku qabsaday goolhaye Kepa.

GOOAL: Khadka dhexe ee Sheffield ee Norwood ayaa si qaldan goolka kooxdiisa usoo taabtay, Ben Chilwell ayaa kubad gees ka tuur ahayd oo soo booday markale kubad joos hoose ah goolka hortiisa ku celiyay balse Norwood oo is tuuray iskuna dayayay inuu difaaco ayaa goolkiisa ku leexiyay kubadda.

Christian Pulisic ayaa daqiiqadii 42-aad ee ciyaarta ka faa’idaystay baas uu qalday Norwood isaga oo goolka lahor tagay, kubad joog sarre ah oo uu isku dayay inuu ka dul qaado goolhaye Ramsdale ayuu goolhayahaasi badbaadiyay.

Qaybta hore ee kulanka ayaa ku dhammaatay hoggaan 1-0 ah oo ay Blues la hoydeen, goolka madiga ah ee kala saarayay labada dhinac ayaa ahaa mid uu si qaldan iskaga dhaliyay kabtanka Blades ee Norwood.

Christian Pulisic ayaa baas ka helay Callum Hudson-Odoi isaga oo garabka weerarka jooga, xiddiga ree Maraykan ayaa kubad uu farsamaystay kala dhex baxay saddex xiddig oo Sheffield ah balse kubadda oo uu goolhayaha lahor tagay ayuu ka badbaadiyay markale Ramsdale.

Sheffield ayaa heshay fursadeedii ugu fiicnayd kulankan daqiiqadii 67-aad, Lundstram ayaa kubad sarre oo cajiib ah goolka hordhigay waxaana meel dhaw ka madaxeyay McGoldrick balse isku daygiisa ayuu si lama filaan ah birta goolka u dhinac mariyay.

Markale weeraryahan Olivier McBurnie ayaa banaanka xerada ganaaxa kaga laagay goolka Chelsea laakiin goolhaye Kepa ayaa markan badbaadin sameeyay.

GOOAL: Ziyech ayaa daqiiqadii ugu dambaysay ee kulanka kubad weerar celis ahayd oo ay Chelsea qaaday gool u bedelay, Hakim ayaa xakameeyay isla markaana dhammaystiray kubad sarre oo uu ka helay Chilwell.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More