Chelsea Oo Bar-Tilmaameedyo Cusub Ka Yeelatay Suuqa, Heshiis 100

Kooxda Chelsea ayaa diyaar u ah inay af-duubato heshiiska ay Manchester City ku doonayso kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish xilli ay warar Talyaaniga kasoo baxayaan sheegayaan in kooxdaasi bar-tilmaameedyo cusub ka yeelatay suuqa.

Blues ayaa weeraryahan dhexe muhiimadooda koowaad u doortay xagaagan waxaana liiska ay doonayaan ku jira Erling Haaland, Romelu Lukaku iyo Robert Lewandowski.

Xaqiiqada ah in Borussia Dortmund ay 160 Milyan oo pound ku doonayso iibka Haaland ayaa ah mid caqabad ku ah Chelsea gaar ahaan iyadoo la og-yahay in 65 Milyan oo pound lagu heli karo da’yarkaas sanad kaddib.

Lukaku ayaa sidoo kale 100 Milyan oo pound lagu qiimeeyaa kaddib xilli ciyaareed heer sarre ah oo uu kusoo qaatay Serie A halka Bayern Munich aysan doonayn inay iska fasaxdo mashiinkeeda goolasha ee Robert Lewandowski.

Iyadoo xiddigahaasi ay u muuqdaan kuwo aan la gaadhi karin, Blues ayaa bilaabay inay bar-tilmaameedsadaan xoojinta boosaska kale waxaana ay isha ku hayaan Jack Grealish iyo Domenico Berardi oo isagu Sassuolo ka tirsan.

Grealish oo labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay wacdarro ku dhigayay Premier League ayaa No.10 iyo garabka bidix labadaba ka ciyaari kara.

Man City ayaa u muuqata mid hoggaanka u haysa tartankiisa balse wargeyska Calciomercato ayaa sheegaya in Blues ay hadda tartankiisa soo galeen xilli ay Villa 100 Milyan oo pound ku doonayso iibkiisa.

Dhinaca kale wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in Chelsea ay xiisaynayso Berardi oo kamid ahaa xiddigihii Talyaaniga ee isku soo muujiyay Euro 2020, Sassuolo ayaa 35 Milyan oo pound ku qiimaysa 26 sano jirkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More