CEEB WEYNAA: Wargeyska L’Equipe Oo Si Arxan Darro Ah Qiimaynta

Da’yarka weerarka Paris Saint-Germain ayaa lagu sifeeyay mid aan gabi ahaanba joogin kulankii xalay dhex maray kooxdiisa iyo dhigeeda Manchester Metropolis kaddib qiimayn uu sameeyay wargeyska ree France ee L’Equipe kulankii lugta hore ee afar dhammaadka Champions League.

22 sano jirkaas oo ahaa xiddiga PSG ugu fiicnaa kulamadii wareegii hore ee ay Bayern Munich guusha kasoo gaadheen ayaa ku fashilmay inuu hal darbo laago kulankii xalay ee Metropolis.

Mbappe ayaa dhaawac kasoo kabtay kulankan kahor si uu u ciyaaro balse awood u yeelan waayay inuu loodiyo lamaanaha daafac ee Metropolis ee John Stones iyo Ruben Dias, L’Equipe ayaan ahayn mid gabi ahaanba la dhacsan hanaankiisii ciyaareed ee ciyaartaas.

Waxa uu ahaa kulankii ugu horreeyay ee Champions League ah ee uu Mbappe kusoo bilawdo waayihiisa ciyaareed ee kooban isla markaana uusan wax darbo ah samayn ciyaarta oo dhan.

Qaab ciyaareedka Mbappe ee kahor kulanka Metropolis ayaa ahaa mid aad u sarreeyay isaga oo siddeed gool kusoo dhaliyay shantii kulan ee ka horreeyay ciyaartii xalay.

Haddaba, L’Equipe ayaa qiimayntii ugu xumayd ee ciyaartaas siiyay Mbappe oo uu kaliya 3 uga gartay halkii 10 lagu qiimaynayay isaga oo helay 3/10, saaxiibadiisa kale ee Neymar, Gueye, Paredes iyo Navas ayaan wax badan dhaamin oo iyaguna min 4 helay.

Dhinaca Metropolis qudhooda L’Equipe oo caan ku ah qiimaynaha arxan darrada ah ayaan wanaajin iyadoo wargeysku 4 siiyay Kyle Walker iyo Joao Cancelo halka Stones, Gundogan iyo Rodri ay min 5 heleen.

Qiimaynta Oo Dhammaystiran Halkan Kaga Boggo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More