Carlo Ancelotti Oo Doortay Xiddiga Ugu Horreeya Ee Uu Ka Dirayo Real

Tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aansaday inuu kooxda ka diro weeraryahanka ree Serbia ee Luka Jovic oo ay iib rasmi ah ku doonayso kooxda uu qaabka amaahda ah ugu maqnaa ee Eintracht Frankfurt.

Luka ayaa dhibaato ku noqday Real Madrid, mid kamida dhibaatooyinkaas ayaa ah inuu caqabad ku yahay dib u qaabaynta la doonayo in lagu sameeyo kooxda xilli lagu jiro wakhti dhaqaale ahaan dunidu kakan tahay.

Waxa ugu weyn ee ay doonayso Real ayaa ah inay iska iibiso Jovic oo ay u hesho koox qaadata oo waliba ku qaadata qiime wanaagsan, shaqadaas ayaa noqon doonta mid adag maadaama oo uu hadda laba sano oo xidhiidh ah gaabis soo ahaa.

Jovic ayaa Madrid kusoo biiray sanadkii 2019 markaas oo uu kaliya 21 sano jir ahaa kaddib xilli ciyaareed fiican oo uu 27 gool dhaliyay oo uu Frankfurt kusoo qaatay isaga oo heshiis 60 Milyan oo euro ah oo uu mushahar ahaana 5 Milyan oo euro ku qaadanayo ku yimid Bernabeu.

Caqabada ayaa ah in iibka Jovic ee Eintracht laga iibinayaa uu ku xidhan yahay in marka hore kooxdaasi ay iska iibiso weeraryahan Andre Silva kaas oo xilli ciyaareed fiican oo uu 29 gool iyo 10 caawimo kusoo sameeyay 34 kulan soo qaatay.

Jovic ayaa ah xiddigii ugu horreeyay ee uu tababare Ancelotti go’aamiyay in kooxda laga diro kaddib markii kabtanka kooxda ee Sergio Ramos isaguna uu shaaciyay inuu baxayo kaddib markii kooxdu heshiis kordhin u diiday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More