CAJIIB: Eraygii Ay Xiddigaha Barcelona Sida Wadajirka Ah Ugu

Xiddigaha kooxda Barcelona ayaa ahaa kuwo dareen kale galay xilli ay marti u ahaayeen kabtankooda Lionel Messi kaas oo ku marti-qaaday inay gurigiisa ku wada cunteeyaan kaddib markii ay guul 3-2 ah Mestalla Stadium kaga soo gaadheen Valencia.

Barca oo dhawaan lumisay fursad ay hoggaanka horyaalka ku qaban lahayd kaddib guuldarro 1-2 ah oo ay kala kulmeen Granada ayaa saddex dhibcood oo muhiim ah kasoo heshay Valencia si ay cadaadiska ugu sii hayso Atletico Madrid iyo Actual Madrid.

Atletico oo laba dhibcood hoggaanka kaga haysa ayay Sabtida kusoo dhawayn doonaan Camp Nou taas oo ahayd mid kamida sababaha uu dhiirigelintooda Messi martiqaadka ugu sameeyay.

Kulanka sabtida ay Blaugrana qaabilayso Atletico ayaa haddiiba ay guul ka helaan ay hoggaanka lasii wareegi doonaan iyaga oo ka warsugi doona ciyaarta Axada ee Actual Madrid iyo Sevilla dhex maraysa.

Haddaba, mid kamida waxyaabaha muujiyay sida ay dhiirigelinta uga heleen ciyaaryahanada Barcelona kulankii uu iskugu yeedhay Messi ayaa ahaa inay durtaba isku arkaan kooxda horyaalka ku guuleysan doonta.

Xiddigaha Barca ayaa ku qaylinayay “Champions, Champions, Champions” oo ay ka wadaan “Waxaanu nahay horyaal” iyaga oo isku sii caleemo saaray ku guuleysiga La Liga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More