Cabsi Soo Wajahday Koox Weyn Oo Serie A Ka Dhisan Ka Dib
Kooxda AS Roma ayaa cabsi ay soo wajahday todobaadkan ka dib markii bambaanooyin aan qarxin oo ka haray dagaalkii labaad ee Dunida lagu arkay garoonkooda tababarka.
Ciidamada Talyaaniga iyo kuwa ka hortaga qaraxyada ayaa loogu yeeray xarunta tababarka Trigoria si ay u bixiyaan bambaanooyinka oo le helay xilli la waday dhismaha garoon cusub oo tababarka ah.
Warbaahinta Talyaaniga ee Il Messagero ayaa sheegtay in ilaa iyo 20 bambaano laga helay xarunta tababarka iyadoo booga Twitter ee AS Roma la soo dhigay sawir muujinaya bambaanooyinka oo dhulka laga soo saarayo.
Warbixin ay kooxda soo saartay ayaa lagu yiri: “Tani ma ahan wax dhaca maalin walba…
“Waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa ciidamada Talyaaniga iyo kooxda bambaanooyinka ka dib markii ay si nabad qab ah u saareen bambaanooyin ka haray dagaalkii labaad ee dunida oo ku dhex jiray xarunta tababare Trigoria.”
Nasiib wanaag cidna waxba kuma aysan noqonin in bambaanooyinka laga saaro garoonka tababare.
Roma ayaa qaab ciyaareed fiican ku jirta xilli ciyaareedkan iyadoo aan laga badinin 11 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan.
Waxay habeen danbe oo Axad ah u safrayaan kooxda Napoli oo ku jirta baroordiiqda geerida halyeeyga Napoli Diego Maradona.