Bye…Bye: Zinedine Zidane Masii Ahaanayo Tababaraha Actual Madrid &

Zinedine Zidane ayaa guul weyn ku hoggaamiyey kooxdiisa Actual Madrid kulankii ay xalay ku garaaceen Liverpool oo ay kaga badiyeen 3-1 lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, laakiin haddana taasi uma damaanad qaadayso in uu sii haysto shaqadiisa.

Tababaraha reer France oo kulankii xalay u ahaa ciyaartii 50aad ee Champions League ah ee uu tababare u yahay Actual Madrid, toddobaadkan horraantiisiina ay u buuxsantay 250 ciyaarood oo uu layliyey kooxdan, ayaa waxa uu helay xaqiiqada ah in uu albaabka ka baxayo bilo kaddib.

Zidane oo heshiiska uu kula jiro Madrid uu soconayo illaa xilli ciyaareedka dambe, ayaa go’aan uu leeyahay aan ku tegi doonin, waxaana u iman doonta warqadda shaqo ka caydhinta.

Marka ay dhamaato doorashada madaxweynenimada Actual Madrid ee hadda lavatory diyaar-garoobayo, waxa soo bixi doona go’aanka Zidane oo haddaba lasii ogyahay sida uu noqonayo.

Murashaxa la tartamaya Florentino Perez ee Enrique Riquelme ayaa shaaciyey in haddii uu guuleysto uu shaqada ka caydhin doono Zinedine Zidane, waxaanu sababta ku sheegay in falsafadda ciyaareed ee kooxda uu gebi ahaanba isbeddel ku samayn doono.

Enrique Riquelme ayaa yidhi: “Zidan masii ahaan doono tababarahayga {waa haddii uu guuleysto}. Waxaanu qaadan doonaa istaraatiijiyad ciyaareed oo ka duwan iyo shaqsiyaad kale oo iman doona.”

Mar la weydiiyey tababaraha uu doonayo in uu lasoo saxeexdo, waxa uu Enrique Riquelme yidhi: “Anigu shaqsiyan waxaan jecelahay Jurgen Klopp iyo Raul oo shaqo wanaagsan qabanaya. Waanu qiimayn doonaa.”

Si kastaba, fursadaha uu Enrique Riquelme ku noqonayo madaxweynaha Actual Madrid ayaa aad u yar, waxaana 32 jirkan ku adkaanaysa in uu helo kalsoonida codeeyeyaasha oo tixgelin badan u haya Florentino Perez oo tan iyo 2009 soo ahaa madaxweynaha kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More