Bruno – “Juventus Waa Koox Laga Yaq-Yaqsoodo Oo Uu

Daafacii hore ee kooxda Juventus ee Pasquale Bruno ayaa eedayn xoogan dusha ka saaray weeraryahanka kooxdiisii hore ee Cristiano Ronaldo iyo waliba maamulka kooxdaas oo uu ku qabsaday qaabka ay ula soo dhaqmeen tababarayaashii kala duwanaa ee sanadihii ugu dambeeyay.

Eedaymaha loo jeedinayay Juventus gaar ahaan Ronaldo tan iyo markii ay kooxdaasi ka hadhay UEFA Champions League oo ay toddobaadkii hore ka cidhib tirtay Fc Porto oo si lama filaan ah sharciga goolasha martida ugu reebtay.

Si lamid ah Ronaldo, Pasquale Bruno ayaa eedeeyay maamulka Juve oo uu ku eedeeyay tababarayaashii kala duwanaa ee ay shaqada ka caydhiyeen iyadoo sidoo kale seeftiisu ay qaaday labada daafac dhexe ee kooxdaas ee Giorgio Cheillini iyo Leonardo Bonucci.

Bruno ayaa yidhi isaga oo u warramayay barnaamijka Talyaaniga ah ee TikiTaka “Maamulka kooxdu waa mid bur-burinaya waxkasta”

“Waxay shaqada ka caydhiyeen Allegri si ay ula saxeexdaan Sarri, kaddib isaga ayay caydhiyeen kaddib kaliya hal xilli ciyaareed sababtoo ah Ronaldo iyo xiddigaha ay isku kooxda yihiin ayaa barnaamijka maamula”

“Waxay leeyihiin fikrada ah in ciyaaryahanadu ay hadalkooda dhiiban karaan taasina ma aha wax sax ah, iyagu maaha kuwa ay tahay inay go’aanada gaadhaan”

“Bonucci iyo Cheillini waxay u muuqdaan laba ciyaaryahan oo cajiib ah, waxay ku guuleysteen sagaal horyaal oo ah horyaalka afraad ee ugu wanaagsan dunida, waxay garaaceen koox Barcelona ah oo ay ka dhammaatay maalintii xigtayna wargeysyadu waxay qoreen in (Juventus) ay tahay kooxda ay tahay in la garaaco si koobka looga qaado”

“Juventus waa koox laga yaq-yaqsoodo oo uu xukumo Cristiano Ronaldo”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More