Bruno Fernandes Oo La Siinayo Lambarka Uu Ku Riyoodo Inuu U Xidho

Xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ugu dambayn la siinayaa lambarka uu ku riyoodo in uu xidho kaas oo uu sugayay in muddo ah in kooxdiisa Man United y guddoonsiiso.

Fernndes oo Manchester United u xidhnaa No.18 tan iyo markii uu kaga soo biiray Sporting Lisbon, waxaana uu ku riyoonayay, muddo na uu sugayay in laga beddelo lambarkaas oo uu hore u xidhan jiray Paul Scholes.

Kubbad-sameeyaha reer Portugal oo ay United kasoo bixisay £46.6 milyan oo Gini, ayaan ku qanacsanayn lambarka uu xidho, waxaana uu doonayaa in la siiyo mid kale oo dhab ahaan u muujinaya booska uu uga ciyaaro kooxda amaba midka agtiisa ah ee fasirka guud ee ciyaaraha la isku waafaqsan yahay in boos-ciyaaareedkaas.

Manchester United ayaa waxa No.10 u xidha Marcus Rashford oo ka ciyaara weerarka, halka No.7 la siiyey xiddiga reer Uruguay ee Edinson Cavani, laakiin labadan lambar midkoodna ma aha kuwa uu doonayo Fernandes.

26 jirkan waxa uu doonayaa in uu xidho No.8 oo uu sannadihii ugu dambeeyey xidhnaa Juan Mata oo kaydka kooxda ku caajisay, laakiin la filayo in uu ka tago Manchester United xagaagan iyadoo uu heshiiskiisu ku egyahay bishan June.

Mata ayaan lagu soo darin liiska ciyaartoyda ay fasaxday Manchester United ee shalay la shaacisay, waxaana uu Solskjaer dhowaan xaqiijiyey in ay u socdaan wada-hadallo ay suurtogal tahay in uu heshiiskiisa ku kordhiyo muddo sannad ah.

Sidaas oo ay tahay, warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegay in Bruno Fernandes uu sugayo in No.8 looga saaro Juan Mata, taas oo kaliya uu ku heli karo haddii uu laacibkani ka tago Old Trafford.

Bruno Fnernades ayaa No.8 usoo xidhay kooxdihiisii hore ee Sporting Lisbon iyo Udinese.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More