Bruno Fernandes & Kevin de Bruyne

Bruno Fernandes iyo Kevin De Bruyne waa xiddigaha ugu waa weyn ee Manchester United iyo Manchester City, laakiin yaa saameyn weyn ku leh?

- Advertisement -

Labada khadka dhexe ayaa ku kulmi doona Old Trafford Sabtida kulankoodii ugu horreeyay ee Manchester Derby xilli ciyaareedkan, laakiin yaa guul u horseedi doona kooxdiisa?

Kooxda Pep Guardiola ayaa kalsooni ku ciyaareysa Sabtida ka dib guushii ay ka gaareen wareega group-yada Champions League iyo taxane guul ah labo kulan oo Premier League ah.

Taa bedelkeeda, United ayaa laga reebay Champions League iyadoo loo celiyay Europa League ka dib guuldarro 3-2 ah oo ka soo gaartay RB Leipzig iyo labo guul soo laabasho ah oo ay ka gaareen West Ham iyo Southampton.

Laakiin jadwalka horyaalka, labada dhinac kulan ayaa gacanta ku haya, United oo hal dhibic ka sarreysa City iyo laba dhibcood oo lix dhibcood ka heysa hoggaamiyeyaasha Tottenham.

Sidaa darteed masraxa ayaa diyaar u ah Fernandes iyo De Bruyne maadaama ay isku dayi doonaan inay seddex dhibcood u helaan kooxdooda. Laakiin labadan xiddig kee baa fiican xilli ciyaareedkan?

Xogta ayaa muujineysa in Fernandes uu ka fiican yahay De Bruyne xilli ciyaareedkan inkasta oo labada xiddig kaliya ay ciyaareen 10 kulan oo horyaalka ah, laakiin qaab ciyaareedka De Bruyne ayaan waligiis hoos u dhicin maadaama uu badbaadinayo City marka ay dhibaato ku jiraan.

Fernandes ayaa ciyaaray 795 daqiiqo xilli ciyaareedkan Premier League halka De Bruyne uu ciyaaray 742 daqiiqo, laakiin Fernandes wuxuu saameyn ku yeeshay inuu dhaliyo 7 gool oo horyaalka ah, afar ciyaar furan iyo seddex rigoore.

De Bruyne ayaa dhaliyay kaliya labo gool, oo labaduba rigooreyaal ah, welina wax gool ah kamuu dhalin kulan furan xilli ciyaareedkan.

Fursada kaliya ee De Bruyne uu kaheysto Fernandes ayaa ah caawinta, halkaasoo ciyaaryahanka reer Belguim uu lix caawin sameeyay halka Fernandes uu isna sameeyay afar caawin.

Bruno Fernandes ayaa isku dayay 583 baas oo saamayn weyn ku yeeshay khadka dhexe kulankii Manchester United halka De Bruyne uu xilli ciyaareed fiican soo maray, wuxuu isku dayay 462 baas.

Intaa waxaa dheer, Fernandez ayaa ku jira kaalinta toddobaad ee liiska ciyaartoyda xilli ciyaareedka ugu fiican Premier League, halka De Bruyne uu ku jiro kaalinta 29aad.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More