Bruno Fernandes Iyo Xiddigaha Waaweyn Ee Manchester United

Bruno Fernandes ayaa ka mid noqday tiro ciyaartoyda waaweyn ee Manchester United ah oo lumiyey kalsoonida ay ku qabteen tababare Ole Gunnar Solskjaer, sida ay sheegayaan warar hoose oo laga helayo kooxdaas.

Fernandes oo bishii January ay Manchester United kasoo iibsatay Sporting Lisbon ayaa waxa uu saamayn weyn ku yeeshay kooxda, isaga oo qaybtii dambe ee xili ciyaareedkii hore isbeddel ciyaareed iyo saadaashii aan markii hore fiicnayn ee naadigaba sare usoo qaaday, taas oo ku dhamaysatay kaalinta saddexaad oo ay ka sare martay Chelsea iyo Leicester City oo dhibco badan ka horreeyey intii ka horreysay imaatinkiisa.

Inkasta oo ay qaab wanaagsan ku dhamaysteen xilli ciyaareedkii hore, haddana waxa uu kan cusub ugu bilowday guul-darro ay Crystal Palace u xambaarisay, Brighton oo ay nasiib kaga badiyeen ciyaarta oo dhamaatay iyo Tottenham oo 6-1 ku xasuuqday, taas oo waqtigii nasashada maraysay 4-1, isla markaana ay qaab rajo la’aan ah garoonka dhexdiisa iskaga joogeen xiddigaha Red Devils ka hor intii aan la saarin xilli ay muuqatay in aanu Fernandes raali ka ahayn beddelka.

Sida uu ku warramay Duncan Castles, qolka lebbiska Manchester United waxa ka jira dareen weyn oo ah in aanu Ole Gunnar Solskjaer ahayn tababarihii kooxda ku hoggaamin lahaa guulaha ay hiigsanayso, waxaana ciyaartoyda sidaas rumaysan ugu horreeya Bruno Fernandes.

“Waxa jira dareen ciyaartoyda sare ee kooxda ah oo muujinaya in Solskjaer aanu ahayn tababare wanaagsan ama aanu ahayn mid shaqadiisa heerkeedu sarreeyo.” Ayuu yidhi Duncan Castles.

“Waxaynu aragnay ciyaartii ugu dambaysay ee Manchester United inuu beddel sameeyey waqtigii nasashada. Waxa jira warar sheegaya in sababtu ahayd wixii uu ka dhex yidhi qolka lebbiska waqtigii nasahda. Wuxuu ku qaylinayay ‘waxaan u malaynaynay inaynu noqon doono Man United, tanna ma aha inay dhaco’ wuxuu su’aal ka keenay xeeladda Solskjaer.” Ayuu raaciyey Duncan Castles.

Si kastaba, waxa soo baxaya in Manchester United ay xidhiidh la samaysay tababarihii hore ee Tottenham ee Mauricio Pochettino oo ay ku beddelayso Ole Gunnar Solskjaer.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More