Borussia Dortmund Oo Qaladkii U Weynaa Ka Samaysay Suuqa Iibka

Kooxda kubadda cagta reer Germany ee Borussia Dortmund ayaa qaladkii u weynaa ka samaysayy suuqa iibka ciyaartoyda, kaddib markii ay ogolaatay in dheemanta da’da yar ee indhuhu hayaan uu si dhayal ah kaga baxo gacanteeda.

Borussia Dortmund ayaa qaadday tallaabadii ugu xumayd ee inta la xasuusan yahay ay ka samayso suuqa, kaddib markii ay gashay heshiis ay malaayiin Euro ku lumisay.

Weeraryahanka reer Sweden ee Alexander Isak ayaa aad loo hadal hayaa bandhiggii uu ka sameeyey tartanka qaramada Yurub gaar ahaan kulankii Jimcihii ay ku garaaceen Slovakia oo loo doortay xiddigii garoonka.

Waxa kale oo uu Isak bandhig fiican sameeyey ciyaartii Spain ay ka hor tageen ee ay ku bilowdeen tartanka Euro.

Xiddigan da’da yar ayaa kasoo baxay kulliyadda da’yarta Borussia Dortmund waxaanay ka iibisay Real Sociedad oo kaliya ka bixisay toddoba milyan oo Euro laba sannadood ka hor.

Labada kooxood ayaa mar kale kulmay, waxaanay gaadheen heshiis kale oo ah in Dortmund ay ogolaato in meesha laga saaro qodobkii ku jiray heshiiska kooxda ee dhigayay in 70 milyan lagu burburin karayo qandaraaskiisa Sociedad, taas beddelkeedana laga dhigo 30 milyan oo Euro.

Waxa kale oo meesha laga saaray qodob awood u siinayay Borussia Dortmund ay in ay dib u iibsan karto Alex Isak iyadoo bixinaysa lacagta hoose, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Dortmund aanay lahayn awood ay dib ugu ceshato laacibkeedan hore.

21 jirkan ayaa Real Sociedad waxa  uu kula jiraa heshiis soconaya illaa 2024, waxayse kooxda reer Spain rajaynaysaa in qandaraas cusub oo soconaya illaa 2028 uu Isak u saxeexi doono.

Laakiin wargeysyada waaweyn ee Spain ayaa qoray, in ay adag tahay in Real Sociedad ay haysan karto Isak kaxdib bandhigga uu ka sameeyey Euro, waxaana jira kooxo waaweyn oo u gacan haadinaya laacibkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More