Benzema Oo Real Madrid Soo Saaray, Inter Milan Oo Hartay,

Real Madrid ayaa awoodeeda ugu soo baxday wareega 16ka Champions League ka dib markii ay 2-0 ku suuldaareen kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengladbach oo marti ku aheyd garoonka Alfredo di Stefano.

Weeraryahanka Faransiiska ayay ku qaadatay kaliya sagaal daqiiqo inuu hogaanka u dhiibo Los Blancos ka dib markii uu kubad madax fantastik ah ku dhaliyay karoos uu ka helay Lucas Vazquez oo kulankaan wacdarro dhigay.

Nusa saac markii ay socotay ciyaarta Benzma ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Los Blancos isagoo madax ku dhaliyay mar kale ka dib markii uu karoos soo qaaday Luka Modric, wuxuuna ahaa madax aad u qurux badan.

Karim Benzema ayaa noqday xiddigii afaraad ee taariikhda kubada cagta Faransiiska ee gaara 350 gool waayihiisa ciyaareed isagoo ka danbeeya kaliya Thierry Henry (411), Roger Courtois (364) & Michel Platini (354).

Dhamaadkii qeybta hore Luka Modric ayaa gool qurxoon isna shabaqa soo taabsiiyay laakiin goolkaas waxaa loo diiday in Varane uu garab dhaaf ahaa ka hor goolka.

Real Madrid ayaa goolal kale sii raadisay qeybtii labaad ee ciyaarta iyagoo labo jeer birta garaacay. Markii hore waxay timid ka dib markii kubad fantastik ah laga badbaadiyay kabtan fantastik Sergio Ramos iyadoo ku celiskii uu birta garaacay Benzema.

Lix daqiiqo ka dib Benzema ayaa kubad u dhigay Lucas Vazquez kaasoo isna birta garaacay.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Real Madrid ku badisay islamarkaana ugu soo baxday kaalinta koowaad ee Group B halka Borussia Monchengladbach oo laga badiyay ay iyadana soo baxday madaama Inter iyo Shakhtar ay iska kala badin waayeen kulankoodii kale.

Inter Milan oo u baahneyd guul si ay u soo baxdo ayaa barbaro la dhaafi weysay Shakhtar Donestk oo iyadana guul u baahneyd.

Shakhtar ayaase haatan ku dhameysatay kaalinta 3aad iyagoo ka ciyaari doona Europa League halka Inter Milan ay gabi ahaanba ka hartay tartamada Yurub iyagoo ku dhameysatay kaalinta afaraad.

Dhanka kale Atletico Madrid ayaa xaqiijisatay u soo bixitaankeeda wareega 16ka Champions League ka dib markii ay 2-0 ku dubteen kooxdii ay booska isku heysteen ee Red Bull Salzburg.

Goolka ay Atletico hogaanka ku qabatay ayaa yimid dhamaadkii qeybta hore markii laad xor ah uu soo qaaday Carrasco uu madax ku dhaliyay Mario Hermoso oo ay u aheyd goolkii uu ugu horeysay ee uu u saxiixo kooxda Diego Simeone.

Goolka labaad waxaa saxiixay Carrasco dhamaadkii ciyaarta isagoo xaqiijiyay guusha

Atletico ayaa u baahneyd guul ama barbaro si ay ugu soo gudbaan wareega 16ka, waxayna haatan ku dhameysteen kaalinta labaad ee Group A iyagoo leh 9 dhibcood halka Bayern Munich oo kaalinta koowaad uga soo baxda group-kaan ay ku dhameysatay 16 dhibcood ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Lokomotiv Moscow ka dib goolal ay u saxiixeen Niklas Suele iyo Eric Maxim Choupo-Moting.

Dhanka kale kooxda Manchester City oo xilli hore xaqiijisatay u soo bixitaankeeda wareega 16ka Champions League ayaa guul ku soo xirtay Group C iyagoo 3-0 ku garaacay kooxda Marseille oo marti ku aheyd garoonka Etihad Stadium.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ismari waayeen laakiin Man City ayaa guusha gaartay qeybtii labaad ee ciyaarta, iyagoo hogaanka uu u dhiibay xiddigooda cusub ee wacdaraha dhigaya Ferran Torres.

Torres ayaa afar gool ka dhaliyay Champions League xilli ciyaareedkan.

Ferran Torres ayaa sidoo kale dhaliyay goolkii KUMAAD ee ay Man City ku dhaliso Etihad Stadium 445 kulan oo ay ku ciyaareen tartamada oo dhan tan iyo markii ay u soo guureen garoonkaan.

Sergio Aguero ayaa guusha dhameystirtay isagoo goolka labaad saxiixay ciyaarta oo toban oo daqiiqo ay ka harsaneyd, halka waqtigii dhimashada ciyaarta uu goolka soo taabtay Raheem Sterling.

Guusha ay gaartay Man City ayaa ka dhigaysa inay Group C ku dhameysteen iyagoo aan laga badinin, waxay 18 dhibcood oo ay u tartameen ka heleen 16 dhibcood madaama ay hal kulan barbaro galeen.

FC Porto oo kaalinta labaad uga soo baxday group C ayaa ku dhameysatay 13 dhibcood ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Olympiacos.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More