Barcelona Oo U Yeedhanaysa 25,000 Taageereyaal Ah Kulanka Atletico

Waxay noqon kartaa ciyaartii go’aaminaysay xilli ciyaareedkan, isla markaana kala caddayn lahayd kooxda ku guuleysanaysa  horyaalka LaLiga oo hadda u dhexeeya saddexda kooxood ee Atletico Madrid, Actual Madrid iyo Barcelona oo ay hal dhibic kaliya ka dambayso Sevilla.

Barcelona oo xalay hoggaanka la wareegi lahayd ayaa guul-darro niyad-jab ah kala kulantay Granada, waxaana 2-1 kaga badisay Granada oo marti ugu ahayd Camp Nou, waxaanay natiijadani keentay in Barca ay kaalinta saddexaad kaga jirto miiska kala-sarraynta.

Axadda toddobaadkan ayay Barcelona safar ugu tegaysaa Valencia oo ay kula soo ciyaari doonto Mestalla Stadium, laakiin kulankan ayaa ah mid saadaashiisu u badan tahay kooxda reer Catalonia sababtoo ah, Valencia ayaa xilli ciyaareed aad u xun ku dhex  jirta.

Kaddib marka ay soo kala dhamaadaan Valencia, waxay Barcelona garoonkeeda Cap Nou ku martigelin doontaa Atletico Madrid kulanka 36aad ee horyaalka, halkaas oo ay uga baahan yihiin in ay guusha kaga qaataan kooxda tababare Diego Simeone, haddii kalena waxay waayi karaan horyaalka sannadkii labaad oo xidhiidh ah.

Sida uu qoray wargeyska Ara ee kasoo baxa Catalonia, Barcelona ayaa ciyaarta Atletico Madrid waxay rajaynaysaa in ay heli doonto illaa 25,000 taageereyaal ah, isla markaana lavatory ogolaan doono in 25 boqolkiiba garoonkeeda ay buuxiso.

Barcelona ayaan wali jawaab rasmi ah ka helin dawladda, laamaha caafimaadka iyo maamulka horyaalka intaba, laakiin waxay haddana filaysaa in ay heli doonto 25,000 taageereyaal ah oo 8da Might soo geli doona garoonka Camp Nou.