Barcelona Oo Shaacisay In Qalliin Lagu Samayn Doono
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaacisay in da’yarkeeda afka hore ee Ansu Fati uu qalliin jilibka ah mari doono maalinta Isniinta ee berri, kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii ay kooxdiisu 5-2 ku garaacday Real Betis Sabtidii.
Fati oo kusoo bilowday kulankaas ayaa la beddelay waqtigii nasashada kaddib daaweyn loogu sameeyey garoonka dhexdiisa daqiiqadihii ugu dambeeyey qaybta hore, waxaana booskiisa yimid Lionel Messi oo kaydka kusoo bilowday.
War-saxaafadeed ay Barcelona soo saartay ayay ku shaacisay in da’yarkeedan mindida loo qaadan doono Isniinta, taas oo la filayo inuu ku maqnaan doono muddo illaa shan bilood ah.
“Ciyaartoyga kooxdayada koowaad ee Ansu Fati waxa uu mari doonaa qalliin berri, kaas oo lagaga samayn doono jilibka lugta bidix. Qalliinka waxa samayn doona Dr. Roman Cugat oo ay kormeeri doonaan waaxda caafimaadka ee kooxdu. Marka hawlgalku dhamaado, warbixin cusub ayaa laga soo saari doonaa faahfaahinta natiijada iyo waqtiga uu ciyaartoygu garoomada ka maqnaan doono.” Ayay Barcelona ku tidhi war-saxaafadeedkeed.
Ansu Fati ayaa xubin muhiim ah ka ahaa Barcelona xili ciyaareedkan, waxaanu saftay 10 kulan oo toddoba ka mid ah ay horyaalka yihiin, saddexda kalena tartanka Champions League. Isu-geyn waxa uu ciyaaray 596 daqiiqadood isaga oo dhaliyey shan gool, laba caawimoodna ku daray.
18 jirkan ayaa guud ahaan u ciyaaray Barcelona 43 ciyaarood oo heerka koowaad ah, waxaanu u dhaliyey 13 gool iyo saddex caawimood. 11ka mid ah goolashan ayaa waxay uu ka dhaliyey horyaalka iyo laba tartanka Champions League.