Barcelona Oo Iska Lumisay Guul Gacanta Ugu Jiray & Levante Oo

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa niyad-jab weyn kala soo kulantay Levante oo ay marti u ahaayeen, taas oo ay lasoo gashay barbarro sababi kara in xilli ciyaareedkoodu qalbi jab ku dhamaado.

Xilli horyaalka Spain ee LaLiga ay laba ciyaarood oo kali ahi uga hadhsan yihiin, Barcelona ayaa u baahnayd in ay guuleysato si ay hoggaanka horyaalka ula wareegto, waxaanay waqti hore la yimaaddeen laba gool oo qaybtii hore ay dhaliyeen.

Laakiin qaybtii labaad ayay Levante ka dhalisay laba gool oo degdeg ah oo saddex daqiiqadood gudahood ay ku hubsatay shabaqa Barcelona, kuwaas oo fure u noqday dhibcaha ay lumisay Blaugrana.

Lionel Messi ayaa Barcelona u dhiibay hoggaanka daqiiqaddii 25aad ee qaybta hore, waxaanay xiddigaha kooxdiisu ugu dabbaal-dageen goolkan si weyn iyagoo aaminay in haddiiba ay waqtigan gool dhaliyeen ay sii wadan karaan goolasha.

Toban daqiiqadood kaddib ayay Barcelona ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaana goolka labaad u dhaliiyey da’yarka khadka dhexe ee Pedri oo kubbad uu ka helay Ousmane Dembele hoggaanka ugu sii dheereeyey kooxdiisa.

Barcelona ayaa heshay fursado kale oo ay goolal ku dhalin karayeen qaybta hore, halka Levante ay ka liidatay dhamaystirka, waxaanay kusoo kala baxeen 2-0 qaybta hore.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Levante ciyaar heersare ah soo bandhigtay, iyagoo kubbad isku-dhiib iyo kalsooni badan leh la yimid.

Daqiiqaddii 57aad ayay Levante heshay goolkeeda koowaad, waxaana u saxeexay Gonzalo Melero oo shabaqa uu waardiyaha ka yahay Ter Stegen ku hubsaday kubbad uu ka helay Jorge Miramon.

Barcelona oo aan wali ka bixin gaggabka goolka laga dhaliyey, ayaa waxay Levante soo saartay culays kale iyadoo cidhiidhiday difaaca oo kala daadsanaa.

Kubbad ay Barcelona isku-dhiibtay ayaa waxa laga xoogsaday Lionel Messi, waxaana helay Morales Roger uu kubbad sare u raaciyey Jose Luis oo isaga oo aan qabannin lugta bidix ku toogtay.

Barcelona ayaa jawaab degdeg ka bixisay goolasha laga dhaliyey iyo ciyaarta barbarraha ah, waxaana daqiiqaddii 64aad hoggaanka kusoo celiyey Ousmane Dembele oo lugtiisa midig u adeegsaday kubbad xoog badan oo uu qasab ku dhaafiyey goolhaye Aitor.

Dhamaadka ciyaarta oo ay ka hadhsan tahay toddoba daqiiqadood oo kaliya ayay Levante dhalisay goolkeeda barbarraha oo difaaca Barcelona ay diciifnimadooda ku muujiyeen.

Tono ayaa waxa uu soo burburiyey difaaca Barcelona ee Sergino Dest oo xilli ay kubadda ku xafiiltamayeen siibtay. Laacibkan ayaa kubadda oo dhulka socota soo hormariyey goolka Barcelona, waxaana lugta geliyey Sergio Leon oo ka cag-horreeyey Gerard Pique.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-3, waxaanay Barcelona soo gashay kaalinta labaad iyadoo yeelatay 76 dhibcood, waxaanay hal dhibic ka dambaysaa Atletico Madrid oo hoggaanka haysa, halka Actual Madrid na ay dhibic ka sarrayso.

Laakiin labada kooxood ee reer Madrid ayaan kulamadooda usbuucan wali ciyaarin, waxaana haddii ay badiso Atletico ay Barcelona ka horreyn doontaa afar dhibcood xilli laba kulan hadhsan yihiin, halka Actual Madridna ay labaad soo geli doonto oo ay laba dhibcood ka horreyn doonto Barcelona haddii ay badiso.

Natiijada ciyaartan ayaa waxay Barcelona uga dhigan tahay in uu soo dhamaaday xilli ciyaareedkoodu wax fursad ahna aanay u haysanin in ay koobka qaadaan, sababtoo ah kulamada kooban ee hadhay iyo fursadda ay lumiyeen oo ay adag tahay in labada kooxood ee kalena ay sidooda oo kale labaduba dhibco u lumiyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More