Barcelona Oo Guul Kasoo Gaartey 10 Ciyaartoy Oo Villarreal Ah, Soona
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul dahabi ah kasoo gaadhay Villarreal oo ay marti u ahayd, taas oo ay kusoo garaacday 2-1.
- Advertisement -
Kooxda reer Catalonia ayaa lagala hormaray gool daqiiqaddii 26aad, waxaase laba jawaabood oo degdeg ah bixiyey Antoine Griezmann oo si daran-doori ah u saxeexay laba gool oo siddeed daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen.
Goolasha kulanka oo dhashay toban daqiiqadood gudahood, ayaa waxa aftaxay Samuel Chukwueze oo shabaqa Barcelona ku hubsaday kubbad uu ka helay Torres, waxaase laba daqiiqadood kaddib barbarreeyey Griezmann oo kubbad ay isku kaliyeysteen goolhaye Asenjo ka dul-qaaday.
Siddeed daqiiqadood kaddib ayuu mar kale Griezmann dhaliyey goolka guusha u horseeday kooxdiisa, kaddib markii uu helay kubbad uu si qaldan u bixiyey Juan Foyth oo difaaca uga ciyaara Villarreal, taas oo isagoon wax qalad ah samaynin uu daba-mariyey goolhaye Asenjo.
Villarreal ayaa inta badan qaybtii dambe ku ciyaaraysay 10 laacib, waxaana daqiiqaddii 65aad lagasaaray laacibka khadka dhexe ee Manu Trigueros oo loo taagay casaan toos ah kaddib qalad xun oo uu ku galay Lionel Messi.
Barcelona ayaa yeelatay 71 dhibcood iyadoo waliba ciyaari baaqi u tahay, waxaanay isku mid noqdeen Real Madrid oo xisaabta kulamo-badiska kaalinta labaad ugu jirta, halka Atletico Madrid oo caawa ciyaaraysa ay leedahay 73 dhibcood.
Shaxdii labada kooxood
BARCELONA (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Oscar Mingueza, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Sergino Dest, Sergio Busquets, Frenkie de Jong; Lionel Messi (c), Antoine Griezmann, Pedri.
Kaydka: Sergi Roberto, Ousmane Dembele, Neto, Ronald Araujo, Junior Firpo, Ilaix Moriba, Arnau Tenas, Trincao, Matheus Fernandes, Riqui Puig, Samuel Umtiti.
VILLARREAL (4-4-2): Sergio Asenjo; Juan Foyth, Raul Albiol (c), Pau Torres, Alberto Moreno; Samuel Chukwueze, Etienne Capoue, Daniel Parejo, Manu Trigueros; Gerard Moreno, Paco Alcacer.
Kaydka: Moi Gomez, Jaume Costa, Pervis Estupinan, Fernando Nino, Yeremi Pino, Geronimo Rulli. Ramiro Funes Mori, Mario Gaspar, Carlos Bacca, Alfonso Pedraza, Alex Baena, Francis Coquelin.
Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ee Villarreal ayaa dhawr weerar oo isku xiga oo degdeg ah ku bilaabatay ciyaarta, waxaanay isku dayday in gool degdeg ah ay kaga naxsato Barcelona, balse waxay jabin kari weyday difaaca.
Daqiiqaddii 26aad ayay Villarreal hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana gool qurux badan u dhaliyey weeraryahanka reer Nigiera ee Chukwueze oo baas difaaca Barcelna kala daadiyey ka helay Torres.
Antoine Girezmann ayaa laba daqiiqadood kaddib kaga jawaabay gool qurux badan oo uu goolhaye Asenjo kubadda ka dul-qaaday, iyadoo uu dhinaca midig ee goolka si xarrago leh faraha hore u daray kubadda, taas oo si qunyar ah iyadoo hawada maraysa goolka u gashay.
Siddeed daqiiqadood kaddib ayuu mar kale Antoine Griezmann shabaqa soo taabtay, waxaana shabaqa Villarreal ku hubsaday kubbad uu si qaldan iskugu dhiibay Foyth, taas oo aanu wax fursad ah u siinin goolhaye Asenjo.
Villarreal oo iska baadh-baadhaysa goolka barbarraha ayaa waxa kala dhantaalay kaadh cas oo daqiiqaddii 65aad loo taagay laacibka khadka dhexe ee Trigueros oo qalad xun ku galay Lionel Messi.
Laacibka reer Argentina ee kabtanka u ah Barcelona ayaa la arkayay isagoo degganaansho la’aani ka muuqato kaddib qaladka lagu galay.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Barcelona.