Aubameyang Iyo Ciyaaryahanadda Gabon Oo Muddo LIX SAACADOOD Ah

Ciyaaryahanadda xulka qaranka Gabon ayaa muddo lix saacadood ah lagu haystay garoonka diyaaradaha ee Gambia xilli ay doonayeen inay waddankaas la ciyaaraan kulan ka tirsan isreeb-reebka tartanka African Cup of Nations.

Dhacdadan oo ahayd ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin ee ay xiddigaha Gabon kasoo dageen garoonka diyaaradaha ayaa waxa baasabooradooda la wareegay laanta Socdaalka ee Gambia, waxaana layaab noqotay in muddo lix saacadood ah laga haystay baasaboorada oo aan loosoo celinin.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa arrintan layaabka leh la wadaagay taageereyaasha iyo waddankisaba, waxaanu bartiisa bulshada soo dhigay sawirrada ciyaartoyda oo muddo lix saacadood ah ku xanniban madaarka isla markaana ay qaarkood seexdeen dhulka maadaama ay ahayd wax lama filaan ah.

Weeraryahanka Arsenal oo ku sugan gudaha garoonka Banjul International Airport, ayaa waxa uu bartiisa bulshada soo dhigay sawirrada sidii ay ahayd xaaladda ciyaartoyda oo dhulka jiifa.

Pierre-Emerick Aubameyang waxa qoraal uu bartiisa bulshada soo dhigay uu ku sheegay in ‘Madax-furasho loo haysto’, isla markaana aanay garanayn waqtiga la sii daynayo.

Ciyaaryahanadda oo 5:56 daqiiqadood gaadhay Banjul International Airport ayaa waxay sugayeen baasabooradooda illaa saqdii dhexe, xilli ku beegnayd 11pm.

Lama garanayo sababta keentay in waqtiga sidaa u badan ay ciyaartooyo dunida magac ku leh oo ciyaar ka tirsan isreeb-reebka qaramada Afrika ugu xannibnaayeen garoonka diyaaradaha, iyadoo ay caddahay in qaar ka mid ah xiddigahan ay leeyihiin baasaboorro kale oo ajaanib ah.

Labada waddan ayaanu midkoodna war buuxa  kasoo saarin dhacdadan, waxaase la filayaa in maanta ay wax badan kasoo kordhi doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More