Aston Villa Oo Guul-darro Xanuun Badan U Xambaarisay
Kooxda kubadda cagta Aston Villa ayaa karbaashtay Arsenal oo ay marti ugu ahayd garoonka Emirates Stadium, waxaanay ugu dhiibtay 3-0.
Villa ayaa soo afjartay waqtigii farxadda ee tababare Mikel Arteta, waxaana daqiiqaddii koowaad ee ciyaarta ay kaga naxsatay gool uu dhaliyey John McGinn oo hubintiisu ay muddo qaadatay, kaas oo markii dambe meesha laga saaray.
Goolka koowaad ee rasmiga ah ee Aston Villa hoggaanka u dhiibay ayaa waxa iska dhaliyey difaaca da’da yar ee Arsenal ee Bukayo Saka. Qaybtii dambe ee ciyaarta ayey Aston Villa si degdeg ah guusheeda u xaqiijisatay markii uu Ollie Watkins u dhaliyey laba gool oo kale oo saddex daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Aston Villa, iyadoo Arsenal ay isku darsatay khasaare iyo dhaawac soo gaadhay laacibka khadka dhexe uga ciyaara ee Thomas Partey oo waqtigii nashada lagu beddelay.
Shaxdii labada kooxood
ASTON VILLA (4-2-3-1): Emiliano Martinez; Matty Cash, Ezri Konsa, Tyrone Mings, Matt Targett; Douglas Luiz, John McGinn; Trezeguet, Ross Barkley, Jack Grealish; Ollie Watkins.
Kaydka: Neil Taylor, Jed Steer, Conor Hourihane, Marvelous Nakamba, Anwar El Ghazi, Ahmed Elmohamady, Keinan Davis.
ARSENAL (3-4-3): Bernd Leno; Rob Holding, Gabriel, Kieran Tierney; Hector Bellerin, Thomas Partey, Mohamed Elneny, Bukayo Saka; Willian, Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang.
Kaydka: Dani Ceballos, Runar Alex Runarsson, Ainsley Maitland-Niles, Nicolas Pepe, David Luiz, Eddie Nketiah, Granit Xhaka.
Mikel Arteta ayaa garoonka markii ay kooxdiisu gelaysay waxa uu maanka ku hayay in Aston Villa ay ahayd kooxdii xilliga dambe guul-darrada u horseeday xili ciyaareedkii hore, isla markaana goolka guusha uu u dhaliyey Trezeguet, taas oo keentay inay ka badbaadaan inay heerka labaad u degaan.
Daqiiqaddii koowaad ee ciyaarta ayay Aston Villa soo taabatay shabaqa Arsenal, waxaana gool u dhaliyey ohn McGinn oo kubbad ka helay Jack Grealish. Laakiin goolkan ayaa uu garsooruhu la kaashaday in VAR si loo hubiyo haddii uu Barkley ku jiray OFFSIDE. Muddo la sugayay kaddib, waxa uu garsooruhu shaaciyey in aanay goolkaasi waxba ka jirin.
Aston Villa ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay kaddib markii ay kubbad kasoo wada shaqeeyeen Grealish, Barkley iyo Targett, waxaanay kubbadda keeneen xeraga ganaaxa. Weeraryahanka Trezeguet ayaa kubadda kula xafiiltamay da’yarka Arsenal ee Bukayo Saka oo yeeshay taabashadii ugu dambaysay ee kubadda oo shabaqa taabatay.
Bilowga qaybta hore ayuu Mikel Arteta saaray laacibka khadka dhexe ee Thomas Partey oo aan garoonkaba kusoo laabanin, waxaanu keenay Dani Ceballos, waxaana loo badinayaa in saxeexa cusub ee Gunners lagu beddelay dhaawac dartii.
Douglas Luiz ayaa nasiibkiisu shaqeeyey markii uu kubbad madax ah u dhiibay laacibka ay isku waddanka yihiin ee Willian oo ay ku wada jireen xerada ganaaxa Villa. Nasiib wanaag, Willian ayaa kubadda aan aragtideeda hore yeelanin, markii dambena dhamaystirku ka xumaado.
Laba beddel oo kale ayuu sameeyey Arteta, waxaanu hal mar isasoo wada raaciyey Nketiah iyo Nicolas Pepe, iyadoo la beddelay Alexandre Lacazette iyo Willian.
Daqiiqaddii 72aad ayay Aston Villa hoggaanka ciyaarta dheeraysatay, waxaana gool u dhaliyey laacibkii Ollie Watkins oo kubbad fooli ahayd oo ka timid Barkley ku qabtay goolka iyadoo uu xabbad iskula tuuray.
Arsenal oo aan wali kasoo kabanin goolka labaad ee laga dhaliyey ayaa waxay kubbad uu dhinac bidix kala soo orday Jack Grealish, wuxuu xerada ganaaxa dusheeda ugu dhiibay Watkins oo isaguna ka hoos bixiyey goolhaye Leno oo isasoo tuuray, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-0.
Guushan ayaa Aston Villa ka caawisay inay soo gasho kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, waxaanay isku mid yihiin Chelsea oo ay min 15 dhibcood haystaan, halka Leicester City oo hoggaanka haysana ay saddex dhibcood ka dambeeyaan.
Arsenal ayaa iyaduna u degtay kaalinta 11aad ee horyaalka Premier League, waxaanay hal buundo ka dambaysaa Manchester City oo farqiga goolasha ka horreysa, waxaanay haystaan 12 dhibcood.