Arsenal Oo Weeraryahan Heshay, Liverpool Oo Da’yar Kale Ka Tagay &

Paris St-Germain ayaa furtay wadahadalada ay Paul Pogba kula wareegi karto suuqa xagaagan amaba xilli ciyaareedka dambe markaas oo uu xor noqon doono. (Athletic, subscription required)

United ayaa isku diyaarinaysa dalab Pogba uga yimaada PSG waxaana ay dalban doonaan 45 Milyan oo pound. (Eurosport)

Arsenal ayaa daafaceeda midig ee Hector Bellerin doonaysa inay kusoo bedelato weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez. (Football Insider)

Chelsea ayaa lala xidhiidhinayay saxeexa 32 sano jirka Bayern Munich ee Robert Lewandowski balse madaxweynaha kooxdaas ee Herbert Hainer ayaa sheegay inuusan baxayn dhaliyahoodu. (Goal)

Arsenal ayaa u baahan inay ugu yaraan 70 Milyan oo pound dalab ah gudbiso si ay fursad ugu hesho saxeexa 24 sano jirka Leicester City ee James Maddison oo heshiiskiisa kooxdaasi ilaa 2024 yahay. (Sky Sports)

Aston Villa ayaa dalab 30 Milyan oo euro ah ku dalbatay Leon Bailey balse kooxdiisa Bayer Leverkusen ayaa garabkeedaas weerar 35 Milyan oo euro ku doonaysa xilli uu sidoo kale xiiso ka helayo Leicester iyo Wolves. (Bild – in German)

Tottenham ayaa isku dayi doonta inay weeraryahan Dusan Vlahovic kala soo saxeexato Fiorentina oo 21 sano jirkeedaas 50 Milyan oo pound ku dalban doonta iibkiisa. (Telegraph)

Erling Haaland iyo Julian Brandt ayaa labaduba baaqi kusii ahaan doona Borussia Dortmund xagaagan. (Tuttosport – in Italian)

Ajax ayaa xaqiijisay in goolhayaheeda Andre Onana uu xiiso ka helay Lyon iyo Arsenal labadaba. (Voetbal International, via Sun)

Barcelona ayaan wali heshiis kordhin kula heshiin 18 sano jirkeeda Ilaix Moriba kaas oo qandaraaskiisu xagaaga dambe dhacayo isla markaana kooxo Premier League ah xiiso ka helaya. (Marca)

Aston Villa ayaa 15 Milyan oo pound bixitaan ugu ogolaan doonta Anwar El Ghazi haddii Roma ay xiisaheeda dalab ay kasoo gudbiso raaciso. (Football Insider)

Juventus ayaa markale la kulmaysa kooxda Sassuolo iyada oo rajaynaysa inay dhammaystirto saxeexa Manuel Locatelli, sidoo kale weeraryahan Kaio Jorge ayay ka doonaysaa kooxda Santos. (Tuttosport – in Italian)

Celtic ayaa la furtay Tottenham wadahadalo ay kagala saxeexanayso goolhayaha 34 sano jirka ah ee Joe Hart. (90 Min)

Tottenham ayaa kooxda Al Dulhail kaliya 3 Milyan oo pound kaga iibisay daafaceedii Toby Alderweireld walow heshiiskiisu uu ilaa 2023 gaadhsiisnaa. (Sun)

Liverpool ayaa da’yarkeedii daafaca bidix ee Yasser Larouci oo Algerian ahaa u weyday kooxda Troyes oo uu xor ugu biiray.(Mirror)

Ethan Ennis ayaa wadahadalo la yeeshay Chelsea balse 16 sano jirkaas khadka dhexe ah ayaa go’aansaday inuu Man United ku biiro kaddib markii uu heshiis cusub ka diiday Liverpool. (Liverpool Echo)

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More