Arsenal Oo Ugu Dambayn Gacanta Ku Dhigaysa

11

Kooxda Arsenal ayaa la xusayaa inay ugu dambayn la saxeexan karto khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho iyaga oo waliba garab ka helaya qoddob ku jiray heshiiskii ay Liverpool sanadkii 2018 Barca kaga iibisay ciyaaryahankaas.

- Advertisement -

Kooxda uu horkacayo tababare Mikel Arteta ayaa ahayd mid si culus loola xidhiidhinayay saxeexa Coutinho suuqii xagaaga ee sanadkii hore balse heshiiskaas ayaan noqon mid qabsoomay.

Gunners ayaa la filayaa inay suuqa soo socda  u geli doonaan saxeexa khad dhexe oo weerar ah iyadoo ku xidhnaan doonta haddii ay mid joogto ah ka dhigaan heshiiska uu Martin Odegaard kula joogo.

War cusub oo hadda soo baxay ayaa sheegaya inay heshiis qiimo jaban ah kula soo wareegi karaan Coutinho, Barcelona ayaa isha ku haysa inay kubad sameeyaha ree Brazil ku iibiso lacag ka jaban midii ay Liverpool kaga iibsatay ee 142 Milyan pound-ka ahayd.

Barcelona ayaa iibinaysa Coutinho iyada oo ka cararaysa inuu 100 kulan ku gaadho kooxdeeda maadaama oo ay Liverpool ku heshiiyeen inay 20 Milyan oo Pound bixin doonto haddii uu Coutinho kooxdeeda tiradaas kulamada ah u gaadho.

Wakhti hore waxa ay u muuqatay in Coutinho uusan gaadhi doonin 100 kulan oo Barcelona ah isaga oo heshiis amaah ah ugu maqnaa Bayern Munich kahor intii aysan kooxdaasi go’aansan inaysan joogto ka dhigin saxeexiisa.

Philippe ayaa ilaa haatan 90 kulan oo rasmi ah usoo ciyaaray Barcelona balse horumarkiisii xilli ciyaareedkan ayuu saameeyay dhaawac halis ah oo gaadhay kaas oo ka dhigan inuusan sanadkan 2021 oo dhan ciyaarin.

Iyadoo Barcelona ay haatan ka hadhay Champions League 11 kulana ay uga hadheen horyaalka La Liga waxay u muuqataa inay go’aansan doonto inay iibiso suuqa soo socda halkii ay 160 Milyan oo pound iyo wax ka badan ku gaadhi lahayd lacagta ay ka bixisay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More