Arsenal Oo TODDOBA Saxeex Oo Waaweyn Samaynaysa Xagaagan & Mikel
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa dhamaystiraysa saxeexyada shan illaa toddoba ciyaartoy oo kooxda koowaad ah iyadoo uu Mikel Arteta muhiimadda siinayo khadka difaaca..
Gunners ayaa doonaysa inay kasoo kabato mushkiladdii haleeshay xilli ciyaareedkii 2020/21 oo ay kau dhamaysatay halkii uu hoosaysay muddo 25 sannadood ah, isla markaana aan ka qayb-geli doonin tartamada Yurub.
Madaxweyna Emirates ayaa bartilmaameedkooda koowaad ka dhigtay difaaca reer England ee kooxda Brighton khadka dambe uga ciyaara, kaas oo ay kula jiraan wada-hadallo heerarkii u dambeeyey maraya, waxaanay kula soo wareegayaan lacag lagu qiyaasay £50 milyan oo Gini.
Arsenal waxa kale oo ay doonaysaa laacibka kubbad-burburiyaha ah ee Albert Sambi Lokonga oo u ciyaara kooxda reer Belgium ee Anderlecht, kaas oo ay sidoo kale doonayaan kooxo kale oo horyaalka Premier League ah.
Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Arsenal ayaa sidoo kale doonaysa in ay samayso saxeex saxeex oo kale oo ay kooxdeeda ku xoojiso inta uu furan yahay suuqa iibka ciyaartoyda, waxaanay kala yihiin difaac midig, difaac bidix iyo goolhaye.
Goolhayaha Sheffield United ee Aaron Ramsdale ayuu wargeysku sheegay in ay saaran tahay diiradda Mikel Arteta, kaas oo uu doonayo in uu ku beddelo Bernd Leno oo aanu kalsooni badan ku qabin mustaqbalkiisa.
Tayler Adams oo difaaca uga ciyaara RB Leipzig iyo Mert Muldur oo ka tirsan Sassuolo ayay sidoo kale doonaysaa Arsenal in midkood noqdo laacibka u beddelaya Hector Bellerin oo lala xidhiidhinayo kooxaha Paris Saint-Germain iyo Inter Milan.
Waxa kale oo ay Arsenal diiradda ku haysaa difaaca da’da yar ee Real Madrid ee Miguel Gutierrez oo dhawr kulan saftay xilli ciyaareedkii hore, kaas oo ay doonayaan inuu kaydka ugu jiro Kieran Tierney oo dhaawacyo kusoo noqnoqdeen.
Intan marka ay gacanta ku dhigaan, Arsenal waxay suuqa u geli doontaa inay hesho ciyaartoy No.10 ka ciyaari kara oo ku wanaagsan kubbad samaynta iyo hal-abuurka, iyagoo ogsoon in booskii uu banneeyey Martin Odegaard ay u baahan yihiin cid soo gasha.
Xiddiga Leicester City khadka dhexe uga ciyaara ee James Maddison ayaa lala xidhiidhiyey Arsenal, sidoo kalena Ruben Neves oo halbowle u ah Wolves, muddo dheerna ay kooxdu isku dayaysay.
Dhinaca kale, Arsenal ayaa qorshaynaysa inay si rasmi ah u iibiso Granit Xhaka oo ay doonayso Roma, Matteo Geundouzi iyo Lucas Torreira oo marka horeba amaah ku maqnaa.