Arsenal Oo Saxeexii Saddexaad Ku Dhawaaqaysa, Liverpool Oo Xiddigii

Juventus ayaa dalab 86 Milyan oo pound ah ka diiday dhigeeda Liverpool oo ka doonaysay Federico Chiesa oo tartankii Euro 2020 wacdarro ka dhigay, Chiesa ayaa Juve ugu soo biiray heshiis laba sano oo amaah ah oo uu Fiorentina kaga yimid xagaagii 2020.(Repubblica)

Arsenal, Tottenham iyo Everton ayaa dhammaantood isha ku haya Joaquin Correa oo la filayo inuu Lazio ka tago xagaagan. (Corriere dello Sport)

Manchester United ayay macquul tahay inay iibiso Anthony Martial, Tottenham ayaa xiisaynaysa weeraryahanka ree France. (Star)

United tababaraheeda Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya Paul Pogba inuu sii joogo kooxda walow uu xiiso ka helayo Paris St-Germain. (Manchester Evening News)

Manchester City ayaa ku dhawaad laba jibaaraysa mushaharka daafaceeda Ruben Dias kaas oo wacdarro dhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda. (Star)

Antoine Griezmann ayaa kaliya doonaya inuu Barcelona ka tago haddii uu ku laabanayo Atletico Madrid. (Sport)

Juventus madaxweyne ku xigeenkeeda Pavel Nedved ayaa shaaciyay in Cristiano Ronaldo uu kooxda sii joogayo xilli hal sano ka hadhay heshiiskiisa Juve. (Sky Sports Italia, via Football Italia)

PSG saxeexeeda cusub ee Georginio Wijnaldum ayaa sheegay inuusan dareemin wax jacayl ah oo ay kooxdiisii Liverpool u qabtay iyo in si gaar ah loo bar-tilmaameedsan jiray markay noqoto eedaymaha baraha bulshada. (Observer)

Weeraryayan Harry Kane ayaa la filayaa inuu seego furitaanka xilli ciyaareedka cusub kaddib ka qayb galkiisii Euro 2020 isaga oo seegaya ugu horreynba kulanka Tottenham vs Man City.(Telegraph)

Arsenal ayaa rajaynaysa inay saxeexa Ben White xaqiijiso kaddib marka uu usbuuc dhammaadan tijaabada caafimaadka u maro, White ayaa saxeexii saddexaad noqonaya kaddib Lokonka iyo Tavares. (Mail)

Arsenal ayaa sidoo kale doonaysa inay la saxeexato Denis Zakaria oo u sheegay kooxdiisa Borussia Monchengladbach inuu bixitaan doonayo. (Mirror)

Crystal Palace ayaa kusii dhawaanaysa saxeexa Joachim Andersen oo ay 20 Milyan oo pound kaga soo qaadanayaan Lyon halka ay sidoo kale ku jiraan wadahadalada ay Schalke kaga doonayaan Ozan Kabak,. (Mail)

Watford ayaa laga diiday dalab 15 Milyan ah oo ay ku doonaysay Adam Armstrong iyadoo kooxdiisa Blackburn ay 25 Milyan oo pound ku doonayso weeraryahankaas.. (Sun)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More