Arsenal Oo Qarka U Saaran Inay U Gudubto
Waxaa isaga soo taraya baaqyada ku aadkan in kooxda Slavia Prague laga saaro Euro League ka dib markii taageerayaasha kooxda Czech Republic ka dhisan ay soo bandhigeen boor weyn oo ay ku cunsuriyeeynayaan xiddiga khadka dhexe ee Rangers Glen Kamara iyagoo ugu yeeray kalmada cunsuriga ah ee N**ger.
Rangers ayaa guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay kooxda Slavia iyagoo wadar ahaan looga badiyay 3-1 laakiin kulankaas waxaa qariyay falal cunsurinimo ah oo ka dhan ah Kamara, iyadoo xiddig ka tirsan Slavia oo lagu magacaabo Ondrej Kudela uu ku tilmaamay Kamara inuu yahay daanyeer taasoo keentay inay ku dhex dagaalamaan garoonka.
Kudela ayaa afka dabooshay markii uu hadalka cunsuriyada ah ku dhahayay Kamara si uu uga fogaado inay kaamirada qabato iyadoo Kamara uu u sheegay tababarihiisa Steven Gerrard in la cunsuriyeeyay.
UEFA ayaa baareysa dhacdadaan halka kooxda Czech Republic ay dacwo rasmi ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee Rangers iyagoo ku eedeynaya inuu waxyeelo u geystay Kudela ciyaarta ka dib.
Si kastaba, xiisada ayaa sarre u kacday ka dib markii 11 ka mid ah taageerayaasha Slavia Prague ay boor weyn isku soo sawireen oo ay ku qoran tahay “Kamara – kaliya waa N**ger”
Waxay sidoo kale soo bandhigeen boor kale oo ay ku tilmaamayaa in Slavia Praga ay ka soo horjeedo dadka madow.
Gudoomiyaha kooxda Slavia Prague Jaroslav Tvrdik ayaa ku tilmaamay falka ay ku kaceen taageerayaashiisa wax laga yaaq yaaqsado oo aad u xun.
Inkastoo Slavia ay garab taagan tahay ciyaaryahankeeda Kudela oo beeniyay inuu isticmaalay ereyo cunsurinimo ah, hadana kooxda waxay sheegtay inay sawirka cunsuriyada ah ee ay soo bandhigeen taageerayaasheeda u gudbin doonto boliiska.
Boorarka ay soo bandhigeen taageerayaasha kooxda ka dhisan Czech Republic ayaa keentay in halyeeyo badan oo kubada cagta ah iyo taageerayaasha ay ugu baaqaan UEFA in laga saaro Europa League oo loo ogolaado in Arsenal ay u gudubto semi-finalka.
Halyeeyga kooxda Rangers Kris Boyd ayaa ugu baaqay UEFA inay u baahan tahay inay talaabo adag oo lagula dagaalamo cunsuriyada qaado isagoo dalbaday in Slavia oo joogta wareega 8da Europa League laga saaro tartanka loona ogolaado Arsenal inay si dhib yari ah ugu gudubto semi-finalka.