Arsenal Oo Culays Kala Kulmaysa Liverpool, Man United Oo War Farxad

Akhristeyaal, wuu xidhan yahay suuqa iibka ciyaartoydu, waxaana si rasmi ah loo furi doonaa bisha June, laakiin hadda ayay kooxuhu sii shaqaysanayaan iyagoo kala jiidanaya ciyaartoyda sida bilaashka ah lagu heli karayo iyo kuwa kale oo ay saxeexyadooda sii bislaysanayaan ka hor inta aan la gaadhin waqtiga rasmiga ah.

Wargeysyada ciyaaraha ayaa si joogto ah usoo bandhiga xogta, xanta iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, waxaananu idiinka soo xulnay qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen maanta oo Salaasa ah.

Wakiilka caanka ah ee Mino Raiola ayaa iska fogeeyay wararka sheegaya inuu lacag badan ku doonayo iibka Erling Haaland isaga oo been abuur ku sifeeyay. (Goal)

Borussia Dortmund madaxeeda fulinta ee Hans-Joachim Watzke ayaa sheegay inay qorshaynayaan inay xilli ciyaareedka dambe sii haystaan ErlingHaaland. (Dazn via Mirror)

Taas bedelkeeda Hans-Joachim Watzke ayaa sheegay in kooxdu ay dhagaysan doonto dalabaadka u imanaya Jadon Sancho. (Manchester Evening News)

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay inay kooxdiisu mustaqbalka dhaw hal xiddig 100 Milyan oo pound iyo wax ka badan ku bixin karto balse wali meel adag ka taagan wararka la xidhiidhinaya Haaland. (Sky Sports)

Barcelona ayaa wali sii wadi doonta tartanka ay ugu jirto saxeexa Haaland kaddib markii ay wakiiladiisa la kulmeen toddobaadkii hore balse ilo kooxda ka tirsan ayaa sheegay inay adkaan doonto in heshiisku qabsoomo. (ESPN)

Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa diyaar u ah inuu iskaga tago kooxdaas dhammaadka xilli ciyaareedkan (Mail)

Arsenal ayaa doonaysa inay 22 sano jirka khadka dhexe ee Martin Odegaard sii haysato walow heshiiskiisa amaahda ahi uu xagaaga dhacayo isla markaana ay Liverpool kula jirto tartanka. (AS – in Spanish)

Jorge Valdano oo ah maamulihii guud ee hore ee Real Madrid ayaa sheegay inuu u furan yahay fikrada ah in Real ay saxeexa Kylian Mbappe PSG kaga soo bedelato Vinicius. (El Transistor via Marca)

Arsenal daafaceeda dhexe ee David Luiz ayaa ku qasbanaan doona inuu mushahar dhimis sameeyo si uu kooxdaas usii joogo sanado kale. (Sun)

Paris St-Germain garabkeeda weerar ee Angel Di Maria ayaa sheegay inay wax cajiib ah noqon doonto haddii uu Lionel Messi ka garab ciyaaro xilli mustaqbalka Messi ee Barcelona shaki weyni ku jiro. (AS)

39 sano jirka weeraryahanka ah ee AC Milan Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhaw inuu heshiis cusub oo hal sano ah u saxeexo kooxdiisa.. (Sky Sports)

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More