Arrinta Cajiibka Ah Ee Ay Samayn Doonaan Xiddigaha Xulka England

Da’yarka khadka dhexe ee xulka qaranka England ee Phillip Foden ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha ay xulka saddexda libaax uga wada qayb galayaan Euro 2020 ay timahooda sidiida oo kale u midabayn doonaan haddii ay ku guuleystaan tartanka.

Foden ayaa timihiisa midab cadaan ah ka dhigay kahor bilaabashadii Euro waxaana uu xiddigaha kale ee xulka ka dhaadhiciyay inay sidiisa oo kale yeelaan haddii ay ku guuleystaan koobkoodii ugu horreeyay mudo 55 sano kaddib ah.

21 sano jirkaas ayaa sheegay inuusan wax wer-wer ah ka qabin isbar-bardhigyada lagula samaynayo Paul Gascoigne oo loo yaqaanay “Gazza” kaddib markii uu timaha u caddaystay sidii halyeeygaasi yeelay Euro 96.

Foden oo ka hadlaya arrintaas ayaa yidhi “Waxaan u sheegay xulka in haddii aanu ku guuleysano koobka inay sidayda oo kale tinta u jartaan dhammaantoodna way igu raaceen”

Dhawaan ayay ahayd markii tababare Gareth Southgate uu xiddigaha England u sheegay inay waxyaabaha wanaagsan kala dhex baxaan kulankii ay bar-bardhaca Wembley kula soo galeen Scotland.

Southgate ayaa sidoo kale xasuusiyay xiddigihiisa xulalkii kusoo guuleystay Euro iyaga oo aan qaab fiican ku bilaaban sida Portugal oo 2016 soo hantay kaddib markii ay bar-bardhac galeen saddexdoodii kulan ee Group-ka.

Holland ayaa kusoo guuleysatay koobka 1988 kaddib markii ay guuldarro la kulmeen kulankoodii ugu horreeyay halka Denmark ay 1992 hanatay kaddib markii ay labadii kulan ee ugu horreeyay hal dhibic oo kaliya ka heshay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More