Argentina Oo Ka Xishoon Weysay Paulo Dybala Ka Dib Markii Ay
Xiddiga Juventus Paulo Dybala ayaa laga reebay xulka qaranka Argentina iyadoo xiriirka wadankaas ay shaaciyeen in maqnaanshiyihiisa ay sabab u tahay dhibaato uu ka qabo xubintiisa taranka.
Kubadsameeyahaan lagu qiimeeyo 72 milyan ginni ayaa bedel ku soo galay kulankii ay Juventus barbaraha 1-1 la gashay kooxda Lazio shalay oo Axad aheyd.
Wuxuu shabaqa u soo taabtay kooxda Turin ka dhisan kulankii isbuucii hore ee ay 4-1 kaga badiyeen kooxda reer Hungary ee Ferencvaros ee tartanka Champions League.
Dybala ayaa looga soo yeeray xulka Argentina ee la ciyaaraya Paraguay iyo Peru isreebreebka Koobka Adduunka.
Laakiin 26 jirkaan ayaa laga saaray haatan xulka ka dib markii uu dhakhtarka xulka Argentina uu shaaciyay inuu cudur ku dhaca xubinta taranka uu qabo.
Xiriirka kubada cagta Argentina ayaa ka xishoon waayay inay qariyaan nolosha gaarka ah ee xiddigaan iyagoo banaanka soo dhigay xanuunkiisa xubinta taranka iyo sidoo kale ka hadlay dhaawaca Marcos Acuna.
Warbixin ay soo saareen xiriirka kubada cagta Argentina ayaa lagu yiri: “Marcos Acuna iyo Paulo Dybala waa laga reebay xulka.
“Ciyaaryahanka Sevilla waxaa xulka looga saaray inuu dhaawac muruqa ah soo gaaray intii uu u ciyaarayay kooxdiisa maalintii Sabtida.
“Dhanka kale Dybala ayaa xulka laga saaray ka dib markii laga helay calaamado muujinaya inuu cudur ka qabo xubintiisa tartanka.
“Wuxuu u baahan yahay inuu ka dhisto ciyaarista isboortiga islamarkaana uu baaritaano isku sameeyo.”
Taageerayaal careysan oo reer Argentina ah ayaa tilmaamay in xiriirka ay mar walba la soo baxaan sabab ay xiddigaan 29 jirka ah uga reebeen xulka Argentina.
Xiddiga shanta jeer ku guuleystay Serie A ayaa markii ugu danbeysay ee uu u ciyaaro Argentina waxay aheyd sannad kale isagoo tan iyo markaas sababo kala duwan ku seegayay xulka.
Madaxda xiriirka Argentina ayaa ku guuldareystay inay ixtiraam u muujiyaan xiddigaan madaama kooxaha iyo xulalka qaramada kale ay qariyaan xanuunada xubinta tartanka ee ciyaartoydooda.
Everton ayaa diiday inay sharaxaad buuxa ka bixiso sababta uu James Rodriguez uga maqnaa ka dib jug soo gaartay kulankii Liverpool ee bishii la soo dhaafay.
Warbaahinta dalkiisa Colombia ayaa markii danbe shaacisay in sababta uu James Rodriguez u maqnaa inay aheyd dhaawac xiniinyaha ka soo gaaray.
Laakiin Argentina waa ay sameyn waayeen sida ay Everton u la macaamishay xanuunkii xiddigooda.