Antonio Conte Oo Magacaabay LABADA Xiddig Ee Talyaanigu Iska Ilaalin
Tababarihii hore ee kooxaha Juventus, Chelsea, Inter Milan iyo xulka Talyaaniga ee Antonio Conte ayaa u sheegay tababare Mancini iyo xiddigaha Talyaaniga laba ciyaartoy oo Ingiriis ah oo jidh ahaan xooggan oo ay tahay inay ka taxadaraan kulanka finalka Euro 2020 ee Axadda.
Talyaaniga oo rikoodheyaal kusoo garaacay Spain ayaa waajahaya England oo kasoo badisay Denmark, waxaana fiidnimada Axadda ay isku haleeli doonaan Wembley oo ay kasoo xaadiri doonaan in ka badan 60,000 taageere oo Ingiriis yihiin badankoodu.
England oo aan wax koob ah ku guuleysanin tan iyo 1966kii oo ay Koobka Adduunka qaadeen ayaa yimid finalkoodii u horreeyey tan iyo waqtigaas, waxayse u dagaallami doonaan in ay iska soo afjaraan inkaarta koobab la’aanta ee 55ka sannadood haysatay.
Antonio Conte oo hore usoo layliyey Talyaaniga intii u dhaxyasay 2014 ilaa 2016, ayaa u sheegay Roberto Mancini iyo xiddigaha dalkiisa in ay il gaar ah ku hayaan labada ciyaartoy ee khadka dhexe uga ciyaara Ingiriiska ee Declan Rice iyo Kalvin Phillips oo kubbaddooda ku ciyaara awood jidheed, isla markaana ah kuwa dheellitirka u sameeya xulka xulka England.
Conte oo u warramayay wargeyska Gazetta dello Sport ee kasoo baxa Talyaaniga ayaa yidhi: “Waxa aan amaan badan u jeedinayaa Harry Kane oo leh awood uu kubadda ku xoogsado, kulana ciyaaro laacibiinta kale ee kooxdiisa, sidii uu sameeyey goolkii barbarraha ee ciyaartii Denmark.
“Dabcan wuu ku wanaagsan yahay, laakiin xerada ganaaxa ayuu aad ugu sii fiican yahay, waana sidii tababare oo kale, waxa aan jeclaan lahaa in mar walba laga ilaaliyo halkaas sababtoo waa burburiye.”
Intaas kaddib ayuu Antonio Conte u galay labada ciyaartoy ee uu rumaysan yahay inay yihiin kuwa xuddunta u ah Ingiriiska, waxaanu yidhi: “Waxa jira laba ciyaartoy oo khadka dhexe ah oo awood jidheed ku ciyaara, Rice iyo Phillips, waa kuwa dheellitirka u sameeya xulka, waxay ciyaaraan baasas xagga hore ay u wadaan, mar walbana waxay doortaan halka u fudud.”