Ansu Fati Oo Qaliin Saacad & Bar Ah Lagu Sameeyay & Mudada
Xiddiga Barcelona Ansu Fati ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo afar bilood ah ka dib markii qaliin looga sameeyay jilibka.
Da’ yarkaan 18 jirka ah ayaa dhaawac xun uu ka soo gaaray jilibka lugta bidix kulankii ay Sabtidii 5-2 kaga badiyeen Real Betis.
Barcelona ayaa xaqiijisay in Fati uu u baahan yahay in mindida la saaro si loo xaliyo dhaawaciisa.
Waxay Barcelona sidoo kale xaqiijisay in Ansu Fati uu garoomada ka maqnaan doono muddo afar bilood ah ka dib qaliinkii saacada iyo barka qaatay ee uu maray maanta.
Fati ayaa saftay kulankiisii ugu horeysay ee Barcelona xilli ciyaareedkii la soo dhaafay laakiin waxa uu dhaliyay sideed gool 33 kulan uu ka hoos ciyaaray tababare Quique Setien.
Waxa uu tan iyo markaas boos joogta ah ka helay tababaraha cusub Ronald Koeman isagoo ciyaaray toban kulan islamarkaana dhaliyay shan gool.
Fati ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa abid ee gool ka dhaliya El Clasico markii uu shabaqa soo taabtay bishii la soo dhaafay kulankii ay guuldarada 3-1 ka soo gaartay Real Madrid.
Waxa uu durbaba ahaa xiddigii ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya Barcelona si la mid ah da’ yarkoodii labaad ee u ciyaara abid.
Wuxuu noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee kulankii ugu horeysay u safta xulka Spain muddo 84 sannadood ah markii uu ka horyimid xulka Jarmalka bishii September.
Taageerayaasha Camp Nou ayaa aaminsan in Fati uu gaari karo meesha ugu sareysa isagoo loo saadaalinayo inuu buuxin doono booska Lionel Messi.
Manchester United ayaa lala xiriirinayay Fati xagaaga iyadoo Ole Gunnar Solskjaer uu diyaar u ahaa inuu bixiyo 154ta milyan ginni ee lagu burburin karay qandaraaskiisa.
Laakiin Barca ayaa durbadiiba si degdeg ah u dhaqaaqday iyagoo qandaraas cusub ka saxiixay, waxaana laga dhigay lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa 367 milyan ginni.